Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo kala Qaybsamay // Cudurkii Daaroodism - Iririsam!

Musdafe Yuusuf (Keydmedia Online) - Soomaalida Kenya runtii waxay u badnaayeen oo ahaayeen Dad xagga Caadifadda Qabiilka ayna ku fogayn oo Moderate lagu tilmaamo.
Faallo Keydmedia Online
Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo kala Qaybsamay // Cudurkii Daaroodism - Iririsam!

Balse Qaran Jabkii Soomaaliya oo lagu soo qulqulay Kenya gaar ahaan gobalka Soomaalidu degto, waxaad moodaa in arrinkaasi meesha ka baxay oo Fayraskii Qabyaaladu usoo gudbay Soomalida Kenya, waxayna arrintu cirka isku shareertay xiisadda waayadan ka aloosan Kismaayo iyo Dhulka Jubbooyinka oo qolo walba reerka ay kasoo jeeddo u durbaan tumayso.

Waxay hoos ka guux ahaataba dhawaan ay furka tuuratay markii xildhibaanada Ogaadeen ay si aan gabad lahayn u taageereen Axmed Madoobe kuwaasoo dhamaantood u kala hadhin 9-koodii xubnood (MP, Seneter iyo women representative) xitaa Yusuf Xasan oo la islahaa waa ka ladan yahay cudurka Qabyaaladda Daaroodismada waa ka qayb galay teegeeridda iyo dabaaldeggii Axmed Madoobe halka inta hartay ee xildhibannada Soomaalida Kenya oo dhan 22 xildhibaan la sheegayo inay u ololeenayaan in dhexdhexaad arrinta Kismaayo Dawladda Kenya ka noqoto oo Axmed Madoobe ku tilmaamayaan Nin Boob Dhul u socda oo danbi laga gelayo dadka deegaanka jubbooyinka.

Waxyaalaha la yaabka leh waxaa ka mida Xildhibaan kasta oo Soomaalida Kenya qabiilkiisu wuu degaa Jubooyinka sida Ajuuraan, Dir, Dagoodiya, Garre iyo Murrale waxayna arrintaasi keentay in laga dareemo Nayroobi xasaradda ka dhex aloosan Xildhibaanada Soomalida Kenya oo u kala Jabay Daaroodism iyo Iririsam.

Waa markii ugu horaysay ee ay kala jabaan xildhibaanada Soomaalida Kenya, waayo wadankan Kenya waxay ka yihiin tiro yar 2% waligoodna isku dan bay ahaayeen hadday noqon lahayd tacadiyo loo gaysto, xuquuqdooda wadanimo iyo amuuraha islaamka oo hormuud ka ahaayeen.

Hogaamiyaha aqlabiyaada Aden Barre Ducaale ayaa si aan gambasho lahayn u taaageeray Axmed Madoobe sheegayna in Jubboyinka ay saarsaar u yihiin Kenya sida Somaliland iyo Puntland ugu yihiin Itoobiya, taasoo dad badani ka caraysiisay oo ay leeyihiin waxay gef ku tahay sharafta Soomaalida waxaana la is la dhexmaraya in la wado mooshin ka dhan ah Aaden Barre Ducaale.

Sannadkii 1987dii bay ahayd markii ugu horeysay oo durbaanka Daaroodism iyo Irirism ka dhacaday Kenya wallow ay waagaas Kenya ka jirtay hal xisbi KANU oo Xildhibaanadu dawladda ka biqi jireen oo wax awooda ayna lahayn, haddana Janeraal Maxamuud oo inqilaabi uu fashiliyay Moi ka dhan ahaa ayaa awood ku lahaa xukunkii Moi, waxayna isaga iyo Yuusuf Xaaji dawladii waagaas ka dhaadhiciyeen in la eryo rag siyaasiyiin iyo ganacsadayaal ah oo ka kala soo jeeday beelaha Isaaq iyo Hawiye oo aan ka xusi karno Maxamed Qanyare Afrax iyo nin xoolaha dhoofin jiray oo Ciidagale ah iyagoo lagu eedaynayo inay taakuleeyaan SNM iyo USC.

Waa waagii ay baxday arrinta caanka ah ee Kaarka cas ee Yuusuf Xaaji taasoo qabiilooyinkii Soomaalida kala qaybisay oo ay diideen beelaha Wajeer, Mandheera iyo Tana river halka ay taageereen beesha Gaarisa.

Ayadoo markii danbe Kaarkii casaa ee Yuusuf Xaaji fashil ku dambeeyay wallow dad hantidoodii ka careen oo la masaafuriyay haddana dagaal iyo diidmo badan oo ka timid beelaha Wajeer, mandheera iyo Tana river iyo naftii huridii siyaasiyiintii Dagoodiye oo aan ka xusi karno allaha u naxariistee wasiir Axmed Khaliif ugu dambayntii waa la joojiyay Kaarkii casaa ee lagu kala soocayay soomaalida waana tan maaanta ay harsanayaan Soomalida u soo qaxday Kenya oo ay ku joogaan halgankii Axmed Khaliif (oo Dagoodi ahaa) oo yidhi Soomaali waa soomali kii kala sooca innaga naga mid ma ahan.
 
Dad badan waxay Maanta iswaydiinayaan laba kaclaynta Yuusuf Xaaji ee ciidamada Kenya loo adegsanayo in qabiilooyinka qaarkood lagu dulmiyo kuwana lagu Naasnuujiyo ma u suuroobin mise sidii kii 1987kii ayuu fashil ku dhammaanayaa...

Waqtigaa inoo sheegin wixii nool!

W/Q: Musdafe Yuusuf

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net ]http://www.keydmedia.net [/url];




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.