Xildhibaanimoow Xaal qaado!!! (Video Cusub)

Dr. Bashiir M. Xersi ( Italy) - Qormadan waxaan ugu magacdaray heesta kooxda qayladhaan”Xildhibaanimoow xaal qaado” , oo runtii Anigu aan ka helo heesahooda, maadama ay ku sooo beegmeen xilli aad u xassaasi ah, waa kooxdii labaad oo nooceeda ah ee Soomaaliyeed, sanado ka hor waxaan si fiican uga wada dharagnay heesaha bararujinta kooxda caan baxday ee “Waayahacusub”, oo heeso wacyogalin ah dadka ku harqisay, xilli iyana loo baahnaa, maanta waxaan jeclaan lahaa inana waxyar ka iraa heestaa iyo sida loola falgalay, ama wixii laga yiri.
Faallo Keydmedia Online
Xildhibaanimoow Xaal qaado!!! (Video Cusub)

Heestu hal ku dhaggeedu waa: “Xildhibaanimoow xaal qaado”, marka ay soo baxday waxaan u dhagaystay si fiican, anigoodhawr kol ku ceshtay, dhuuxayna erayada iyo ujeedka heesta, maalmo ka dib, ayaan dhagaystay waraysi laga qaaday Prof Dalxa, oo uu ku dhaliilayo kooxda iyo gaar ahaanba heestan, Anoo fajacsan oo leh war Prof-ka maxaa ku dhacay oo qaaday? Fudaydka intaa la eg kama filayne, maadaama kooxdan ay tahay koox iskaa wax u qabso ku dhisan, cidna aan mushaarsiin, qolo gaar ah u heesin, kuna jirin xizbi siyaasaded, ka maansoodaan wixii taagan dabeedna ku codeeyaan.

Suaa




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.