Xog Cusub: Qaraxii 4tii bisha Oktober Lala Beegsaday Ardaydii - Yaa ka Dambeeyey?

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Soomaalidu waa kala dhagar badan tahay ee ma kala caqli badna; sida qaalibka ahna, caqliga iyo cilmigu qofka isuma raacaan. Xog-baarista qarxintii ardada iyo waalidkood lala beegsaday 4tii bisha Oktoobar waa qoto-dheeraatay, xog cusub ayaana soo korortay.
Faallo Keydmedia Online
Xog Cusub: Qaraxii 4tii bisha Oktober Lala Beegsaday Ardaydii - Yaa ka Dambeeyey?

Qaraxaasu wuxuu ku salaysnaa qorshe ballaaran, ulajeeddo gaar ahaaneed baana laga lahaa. Fikradda iyo abaabulkiisa waa layska kaashaday, wuxuuna isugu soo biyo-shubtay siddi looga hortagi lahaa maalgelinta iyo taakulaynta Dawladda Turkiya ay ka damacsan tahay gobollada Koofureed. Aanu is warsanno so’aalaha soo socda: Qorshahaas yaa soo maleegay? Yaa loo adegsaday? Yaa wax ka ogaa?

Yaa Qorshahaas ka Dambeeyey?

Meles Zenawi ayaa ugu weyn inta u ololaynaysa inaan Dawladda Turkiya marna Soomaaliya la yeelan xiriir joogto ah oo gobollada Koofureed ku wajahan.

Haddii taasu dhacdo, Soomaaliya way ka bixi doontaa gacan ku-haynta Dawladda Itoobiya, midnimadeedii iyo qaranimadeedii bayna dib u hanan doontaa. Qorshe dalballaarsi baa halkaas Itoobiya ku seegi doona, taasuna walwalkeeda ayay Itoobiya u leedahay.

Yaa loo Adeegsaday?

Cabdiweli iyo xulufadiisa ayaa loo adeegsaday, codka Al-Shabaab ayaana shaabbad looga dhigay si loo raadgato. Si loo cadaadiyo shaqaalaha Turkiya ee gargaarka Muqdisho u jooga, dhibaatooyin joogto ah oo aan loo geysan hay’adaha kale oo samafalka ah ayaa loo geystaa.

Waa hagardaamo ay wadaan shaqaalaha ka socda dawladda oo si gaar ah Cabdiweli usoo xushay. Waxa Turkiya laga keeno si gaar ah baa loo baraa. Shaqaalaheeda waa la haddadaa. Goobaha ay shaqada ka wadaanna shaqaaqooyin baa laga aloosaan. Keydmedia.net Baaritaan ey sameesay ayaa lagu ogaaday in Kufsi iyo faragelin aan loo baahnayn lagu sameeyo dadka la quudiyo oo Turkiya ay Gacanta ku hayso.

Si gaar ah baa loo fatasho waxa ay Turkiya dalka keento, waxaana lagu kallifay inay ruqsad warsato oo ay diiwaangeliso waxay keeni doonto, iwm.

Cabdiweli markii uu agaasimay qorshaha xasuuqaas ayuu safar dheer galay. Addis Abeba ayuu joogay markii qaraxu dhacay, wuxuuna halkaas uga muuqday nin fulin kara arrimaha loo xilsaaro.

Bogaadin iyo rayrayn baa Meles Zenawi iyo Faroole ku qaabileen. Meles Zenawi kuma khasaarin gacantii uu ka geystey xulkii Cabdiweli madaxda looga dhigay, haddana baar dheer buu la baxay oo kalsooni buuxda ayuu Meles ka haystaa.

Dhinaca kale, Cabdiweli xil qarameed iskama saarin dadkii Muqdisho ku le’day. Safarkiisii masoo gaabin si uga qayb qaato aaska qarameed. Uma tacsi beeneed uma dirin intii dhibaatadu soo gaartay. Kama qayb-qaadan baroordiiqin madax qaran lagu arki jirey. Mar haddii uu fuliyey qorshihii loo xilsaaray looma ooyaan le’day dan kama laha.

Digniintii Garoowe Ka Timid

Maalmo kahor inta xasuuqaasu dhicin ayaa xildhibaanno Puntland kasoo jeeda Garoowe kasoo direen taleefanno digniin ah oo lagu lahaa, “bisha Oktoobar 4teeda ilmihiinna ka ilaaliya inayna tagin daarta Hargaha iyo Saamaha oo lagu soo dhajin doono magacyada ardada Turkiya u bixi doonta.” Ardadii xildhibaannadaasu dhaleen qofna ma tagin goobtii la qarxiyey.

Si dad carooday ayna xildhibaannadaas wax u gaarsiin, maalmo kahor bay Nairoobi u dhoofeen. Shakhsi Madax ah oo ku abtirsada Puntland Muqdisho kuma harin intt baroordiiqdu socotay.

Sidaas darted, qarxinta ardada iyo waalidkood wuxuu ahaa dhacdo weyn oo la maalgeliyey, xog-ogaalnimo iyo hawlgal heer sare oo ay ka qayb-qaateen Meles Zenawi, Cabdiweli, madaxda Dawlad-goboleedka Puntland iyo xildhibaannada Puntland kasoo jeeda.

Cabdiweli oo Lacag Warsaday Dawlaadda Turkiya

Si shakhsi ahaan ayaa Cabdiweli lacag u warsaday Dawlaadda Turkiya. Markii la falanqeeyey ujeeddada Cabdiweli waxaa loo arkay sidatan:

  1. Inuu dhaqaale abuurto.
  2. Inuu carqaladeeyo ujeeddada suubban oo Dawladda Turkiya ay damacsan tahay inay dalka burburay ku gargaarto, dabadeedna inta carooto la noqoto barnaamijkii ay kusoo talogashay.
  3. Inuu gargalyo galo Dawladda Turkiya sidii uu u hoggaamin lahaa hawlaha ay Soomaaliya ka damacsan tahay. Ilaa hadda inta nasoo gaartay, Dawladda Turkiya weli lacag ma bixin, mana damacsana inay Cabdiweli u hoosgasho hawlaha ay qaban doonto.

Ardadii Turkiya Qaadday Ardo Ma Wada Ahayn

Ardadii Turkiya waxbarashada loogu qaaday dib ayaa imtixaan kale looga qaaday waxaana ilaa hadda laga helay 74 kamid ah oo aan lahayn xataa aqoon dugsi hoose. Arrintaasu fajac weyn ku noqotay Dawladda Turkiya, waxayna talo ku gaareen in dhammaantood imtixaan lagu celiyo si loo ogaado heerka aqoontooda.

Inta hadda nasoo gaartay, dhallinyadaasu waxay ka kala yimaadeen waqooyiga Galkacyo, Sool iyo Sanaag. Ilaa hadda imtixaannada la qaaday waxaa ugu sarreeya ardadii ka tagtay: Muqdisho, koofurta Galkacyo iyo Kismanyo. Cid kasta oo ka dambaysaba, waxaa hadda farta lagu fiiqayaa maamulka Puntland oo dhallinyaradaas usoo dirtay inay Turkiya kasii tahriibaan oo Yurub iska dhiibaan.

Baaritaan iyo Wareysiyo wey soo socdaan... Fillo Dhawaan.

Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.