Cumar waa 'Finish'

Xuquuqda Muwaadinka ku hoos nool halis bey ku jirta

Faallo Mohamud M Uluso

Guddoomiye Cumar Finish wuxuu maagay Musharraxiinta Xilka Madaxweynaha JFS ee baaqa ku saabsan doorashada Barlamaanka federaalka iyo kan Madaxweynaha 2020/2021 ka soo saaray magaalada Muqdisho.

Xuquuqda Muwaadinka ku hoos nool halis bey ku jirta

Guddoomiye Cumar wuxuu gudbay xadka iyo sharciyadda uu ku sheegan karo inuu yahay mas’uul dowladeed iyo inuu yahay Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo ah xil maamul dowladeed oo sharciga tilmaamayo, oo aan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha doorashada laga hadlayo, iyo arrimaha siyaasadda ee la isku hayo. Calaamad su’aal ayaa saaraan in Cumar Finish yahay mas’uul dowladeed maanta kaddib. Xuquuqda Muwaadinka ku hoos nool xukunka Guddoomiye Cumar Finish halis bey ku jirta.

Guddoomiye Cumar Finish ma kala garan farqiga u dhexeeya waajibaadka “adeeggaha bulshada-public servant” ee Madaxweynaha magacaabay iyo xuquuqda muwaadinka. Waxaa kaloo Guddoomiye Cumar finish ku jaahwareersan yahay in hawiyannimada iyo muwaadinninada is huwan yihiin oo Musharraxiinta yihiin muwaadiniin oo Saamiley (stakeholders) siyaasadeed ah, una taagan inay la tartamaan Madaxweynaha kursiga ku fadhiya ayagoo ah muwaadiniin la siman. Musharraxiinta waxay leeyihiin xuquuq dheeri ah ee aysan laheyn muwaadiniinta aan Musharraxa aheyn.

Haddii mas’uulka kursiga dowladda ku fadhiya la yimaado takrifal, waajibaadka muwaadiniinta oo dhan waa inay diidaan, iskana qabtaan, waana waajibka iyo xaqa dastuurka dhigayo, farayo.

Waxaan sugeyna jawaabta Culumada ka bixiyaan Aayada Quran ee Cumar Finish soo daliilsaday ee uu ku banneysanayo inuu kula dagaalamayo, kuna dilayo muwaadiniin Soomaaliyeed ee difaacanaya xuquuqdooda siyaasadeed ee dastuurka siiyay, haddii loo diidana ay qaadayaan tallaabada ay xaqa u leeyihiin.

Guddoomiye Cumar Finish weli ma garan macnaha iyo ujeedada “doorashada xorta iyo xalaasha ah” iyo doorka asaga uga furan.

Musharraxiinta waxay la hadleen Madaxweynaha JFS, Madaxweynayaasha DG, muwaadiniinta soomaaliyeed, iyo beesha Caalamka. Ma jiro door Guddoomiyaha Gobolka Benadir Ku leeyahay doodda taagan aan ka aheyn inuu ilaaliyo xuquuda muwaadiniinta Gobolka Benadir, waajibaadkiisa Maamul oo ka baxsan siyaasadda, iyo ka muwaadiin ahaan inuu difaaco xaqa.

Maxamuud Maxamed Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.