SYL - Sanadguuradii 71-aad | Daawo Video

Keydmedia Online - Halgankii SYL xurmayn iyo qaddarin weyn buu ku leeyahay Gobonimada iyo Jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, 15ka bisha May waa in la xuso Sannad walba si aan loo hilmaamin Dadaalkii iyo doorkii hufnaa oo Leegadu kasoo qaadatay Curinta Qaranimada Soomaaliyeed.
Faallo Keydmedia Online
SYL - Sanadguuradii 71-aad | Daawo Video

Marka SYL ay dadaal ugu jirtay inay Gobanimo curiso in badan oo kamid ah dalalka Afrika ayaan xornimo ku riyoon jirin. 15kii wiil ee dhidibbada u taagay halganka xornimodoonka maxay kaga duwan yihiin Malaayiinta Aqoonyahanka ah oo Maanta ku sugan Dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, oo qaar kamid ahu ay sitaan faaskii ay maandeeq Qoorta uga jari lahaayeen si ay Gacanta ugu geliyaan cadow soo jireen noo ah.

Teebaa xoog badan Aqoonta Shisheeyaha lagu kalkaalo iyo daacadnimada Dalka loogu adeego? Keebaa xoog badan in Camiil loo noqdo Gumayste dan gaar ah naga leh iyo daacadnimo karti iyo hufnaan ku dheehan tahay oo Ummada lagu hoggaamiyo?

Weli ma lays garabdhigay dadaalkii ay dhallinyaradii SYL ugu guulaysatay inay gobonimo curiyaan iyo TFG-da oo ku filnaan weydey inay Muqdisho oo keliya ay nabaddeeda sugaan iyagoo haysta ciidan hubaysan, Qalab Dagaal iyo Dhaqaale lagu hawgalo?  

Way yeeli kareen inay Nabadda sugaan ee dan baan ugu jirin oo Nabad La




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.