Xusuuqii loo geestay Magaalada Baladweyne 1991-dii | ? Daawo Documentary Film

DAAWO VIDEO CUSUB / Top Secret (KON) - Markii Siyaad Barre Xukunkiisi Shacabka Soomaaliyeed ku kaceen, meshii uu Mucaaradka la hadli lahaa oo uu Wadanka u furi lahaa Wadatashi iyo Albaabka Demokratiyada, Rajiimkii Siyaad Barre waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu Jawaabeen in Madaafiic ay ku garaacaan si uu Shacabku u baqo oo Rajiimku halkaa kasii wato Xukunkiisi.
Faallo Keydmedia Online
Xusuuqii loo geestay Magaalada Baladweyne 1991-dii | ? Daawo Documentary Film

Rajiimkaas wuxuu geestay falal Argagax oo aan Caalamka horay usoo marin. Documentary-gaan Taariikhiga ah waxaad ka dheehan kartaan Xasuuqii loo geestay Shacabka reer Baladweyne 1991-dii Bishii Febraayo 22-dedi

Maxamad Siyaad Barre Xiligaas la Burburinaayo Magaalada Baladweyne kuma sugnayn Caasimada Muqdisho oo waxaa Villa Soomaaliya laga saaray 26. Janaayo 1991, saacadu markey aheyd 19.30.

Ciidamada Siyaad Barre ee Baladweyne markaas ku sugnaa waxaa Wakiil ka ahaa Wiil uu Abti u yahay Maxamad Siyaad Barre oo lagu magacaabo "Ina Aw. Cali".

Magaalada Baladweyne waxaa la burburiyay 65% oo Dhulka lala simay, waxaana si Cadowtimo ah loogu garaacay Madaafiic loo safay Garbo siman. Falal dambiyeedkaas Lidka ku ah Aadamiga ma jiraan wax ka hadlay iyo wax Raali galin ka bixiyay. Waxaana suurtowda Dadkii falalkaas geestay inay Maantay Aduunka Mushaaxayaan oo ay wali leeyihiin Dambiga waxaa lahaa kuwii Dulmiga loo geestay.

Haddaba, inagoo eegaynna dhibkii dhacay ee Muuqalkan marqaati nooga yahay, soo idinlama haboona in dhibka, aan dhib kale lagu sii darin, ee loo tafaxayto la iskana kaashado sidii loo heli lahaa Nabad dhexmarta Bulshada Soomaaliyeed oo runahaan Walaalo ah.

Keydmedia ujeedadeedu ma ahan inee Tiraahdo Qoladaas ayaa Qaldaneed, Qoladaas ayaa Saxsaneed, ee ula jeedadu waxey tahay oo kaliyah in ey idiin soo gudbiso Maalintaas, Goobtaas wixii ka dhacay iyo sida ey wax u dhaceen. Mid ka xanaaqa iyo Mid ku farxaba waa Dhacdo Taariikhda Soomaaliyeed maalin soo martay.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]


Halkaan ka Daawo:





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.