Yaa Dalka Madax Ka Noqon Kara?

By Prof. Mohamoud Iman Adan- Keydmedia - Virginia, USA - Nin walba ma Hoggaamin karo Madaxnimo Dawladeed. Waa astaan haybad gaar ahaaneed ah oo Rabbi ku manaystay in yar oo naga mid ah. Astaamaha hawlwadidda Dawladeed kuma timaaddo caleemasaar Beeshaadu kuu samayso. Kuma timaaddo dhaqaalaha aad leedaahay iyo aqoonta aad kasbatay.
Faallo Keydmedia Online
Yaa Dalka Madax Ka Noqon Kara?

Tilmaanta Madaxnimo waxaa lahaan kara Qof aan diyaar u ahayn inuu maskab u ololeeyo. Waxaa lahaan kara mid aan han weynu ku jirin oo ka xishoonaya inuu xilkaas kasoo bixi waayo. Waxaa lahaan kara mid Cadaabka Rabbi ka baqaya oo kasoo maaggan inuu eex falo, inuu beensheego, inuu caddaalad-xumo ku taliyo, inuu laasluushna qaato. Inuu ballan uu qaaday kasoo bixi waayo. Inuu ku takri falo hanti qaran, iwm.

Marka loo eego dhaqanka soo jireenka ah ee Ummadda Soomaaliyeed kusoo dhaqmi jirtey, waxaan lahaan jirney Madax dhaqameed laga shidaad-qaato oo Bulshada caddaalad iyo sinnaan ku hoggaamisa.

Ninkaasu wuxuu ahaa jirey qofka lagu soo hirto. Wuxuu ahaa ninka lasoo baalgalo, ninka loo baxsado oo gabbaadka laga dhigto markay bulshadiisu ay soo foolsaarto dhacdo dhibkeeda leh karti iyo hufnaan u baahan.

Oday dhaqameedkaasu wuxuu ahaa nin ku gaamuray ku hawlgalka danta guud ee dadkiisa. Wuxuu ahaa ninka ku xeeldheer garsoorka iyo caddaalladda. Ninka u taagan daryeelka nugulka bulshadiisa. Isma dooran jirin ee wuxuu ahaa nin bulshadiisu doorato oo ka turjuma danta dadkiisa.

Wuxuu ahaa nin la dugsado oo gacal iyo nacaba u hoggaansami jireen. Kalsoonida ay bulshadiisu ku qabto awgeed, wuxuu ahaa nin taladiisa iyo tilmaantiisa la xurmeeyo. Nin la jecel yahay in wax lagu darsado oo haybaddiisa iyo aragtidiisa la qaddariyo.

Marka loo dhaadhaco duxda arrintanu waa maamul bulsho oo liiltiran iyo qofka ku habboon inuu hoggaamiyo. Hoggaaminta qaran ma ahan mid ku salaysan damac saiyaasi xukun doon ah. Hoggaaminta qaranka waa mid aan cid kasta kasoo bixi Karin ilaa qof hoodo u leh mooyee. Ma ahan mid qoka madaxnimo raba uu isa soo barraxo ee waa in bulshadiisu soo caleemasaaratay oo cid waliba u aragto inuu xul guud yahay.

Qof kasta oo madaxnimo isu soo sharraxda wax walba kuma fiicnaan karo, wax baase koowaad u ah. Mid baa ku fiican horumarinta dantiisa gaar ahaaneed iyo midda beeshiisa. Midbaa u ololeeya barakicinta iyo burburinta ummaddiisa. Mid baa ku fiican dhagarta iyo beensheegidda. Cid walba qiic haysku qariso, hase yeeshee dalku wuxuu ka aradan yahay madax lagu dhaato oo qaranimada sugta.

Maqaawiir badan oo xul qaran ahaan jirtey baa soo qabatay maamulka dawladnimada Soomaaliyeed. Cabdullaahi Ciise Maxamuud wuxuu ku caanbaxay daacadnimo iyo waddaninimo. Cabdirizaaq Xaaji Xuseen wuxuu ku hawlgalay la dagaalanka eexda iyo laaluushka, wuxuuna curiyey ereyada ah Karti iyo hufnaan.

Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ku caanbaxay dulqaad iyo horumarinta danta guud. Maxamuud Axmad Cali wuxuu ku caanbaxay horumarinta waxbarashada iyo kasabka aqoonta, Maxamad Cabdullahi Farmaajana wuxuu ku caanbaxay runsheegidda iyo rabitaanka Ummaddiisa.

Waa baryaba burcaddisa leh, ayaa Soomaalidu ku maah-maahdaa. Maanta waxaa loo baahan yahay in la helo nadaam cusub sidii loo soo xuli lahaa maqaawiir hoodo iyo hufnaan u leh hoggaaminta bulshada akala irdhowday. Aqoonyahan iyo indheer-garad is-xulay oo beelnimo iyo gobolaysi midna ku salaysnayn waa inay soo naqaysaa tiro maqaawiir ah oo laga soo dhex-qaban karo shakhsigii ku habboonaan kara inuu noqdo Madaxweynaha Dalka.

Isla xulka guud waa in laga soo dhex-bixiyo shakhsiga ku habboon inuu noqdo afhayeenka baarlamaanka. Isla xulka guud waa in laga soo dhex-xulo xildhibaanno ay ku kalsoon yihiin deegaamadooda. Marka intaas oo wada xul ah ay majaraha u qabtaan maamulka dalka, bulshadu waxay helaysaa kalsooni buuxda, dalkuna wuxuu dib u hanan doonaa midnimadiisii iyo qaranimadiisii.

Siyaasiga u Qalma Xul Maamul Goboleed Iyo Mid Qarameedba

Siyaasigu waa inuu aqoon u leeyahay sida bulshada loo maamulo. Ma ahan inuu cidna fogeeyo cidna uu la safto. Inuu qaar naasnuujiyo, qaar kalena uu qadiyo. Ma ahan inuu qayb soo dhaweysto, qayb kalena uu takooro. Ma ahan inuu ninna u cadgooyo, mid kalena uu dhabarka u duwo.

Tiirdhexaadyada Maamulka Dawladnimada ku taagan tahay waxaa kamid ah: Caddaalad iyo xaqsoor loo siman yahay. Nabad-sugid, Difaac Qaran iyo Maamul-wanaag Mawladnimo, iyo horumarin bulsho iyo mid deegaan.

Miisaanka Madaxda

Shakhsi kasta oo madaxda ka ah Dawlad Gobol ama mid qaran ha ogaado inuu yahay madiidinka Ummadda. Rabitaanka Bulshad darted buu kursiga ugu fadhiyaa ee ma ahan in isaga marti loo yahay. Haybadda uu leeyahay waxaa u yeelay Bulshada Caleemasaaratay ee ma ahan milkiyad uu leeyahay.

Xilka uu ku dhaadanayo waxaa u dhiibatay Bulshada soo Caleemasaaratay ee ma ahan wax uu xoog kula wareegay ama uu dhaxal u helay. Sharaftaas baaxaddaas leh waa deeq bulsho ee ma ahan farsamo siyaasigu soo maleegtay.

Talogelinta Bulshada

Lama huraan waa Cawska Jiidaal. Dhaqankii habboonaa ee Dawladnimo dib ayaa loo hanan doonaa, Siyaasi kasta oo is-qaad qaadana codka Bulshada ayuu marti u noqon doonaa. Wuxuu ku shaqayn doonaa rabitaanka Ummaddiisa ee jeebkiisa uma shaqay doono.

Bulshada ayuu Caddaalad iyo sinnaan ku Hoggaamin doonaa, eex, Gobolaysina iyo boob hanti Qarana waa laga gudbi doonaa. Kii dambi qaran galayna dambigiisa ayaa lagu qaadi doonaa, kii samaan heer qaran falayna waa laga abaalmarin doonaa.

Waxaa la gaari doona kala guurka labada Jiil-kan dhaqan guuray iyo kan hadda dhallaanka ah.  

Qoraalkaaan waxaa Bogga Keydmedia Online lagu soo daabacay: 26 October 2011 

By Prof. Mohamoud Iman Adan (mohamoud.iman.adan@keydmedia.net ) - keydmedia.net Executive Editor




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.