YAA DOORTAY DANLEYDA?

Abdulkarim Haji Seeko (Keydmedia) - Yaab, Amkaag, fajac iyo uur-ku taalo ayeey ku noqotay shacabka soomaaliyeed dhawaqii ka soo yeeray 435 shaqsi ee ku shirtay xarunta golaha shacabka khamiistii taariikhdu ay aheyd 3-Fep-2011, waxaana shacabka u cadaatay in qolkii mugdiga ahaa la qufulay furihiisiina uu lumay.
Faallo Keydmedia Online
YAA DOORTAY DANLEYDA?

Ma dhicin oo lama maqlin in kulan ay yeelanayaan jilaayaasha masrixiyad caruureedka ay ka soo qeyb galaan tira intaas la eg, waxaana shakiga iyo sheekada ay sii taagneed ka hor maalintaasi madasha la wada joogay, oo waxaa Yurub iyo Afrika ka kala yimid xubno badan oo ka tirsanaa kooxda oo abaabul dagaal, tamashle, dalxiis iyo ganacsi u joogay dalalkaasi, laakiin dhamaan kooxahaasi iyo qeybahasi si siman ayeey u soo abaareen muqdisho si ay goob joog ugu noqdaan saxiixa baab’inta masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Aduunka marka laga hadlayo xili kordhin, maamuus iyo sharfid intuba waxaa loo hibeeyaa dowlad ama xisbi siyaasadeed ku guuleestay wax ka qabashada aayaha umad, laakiin marna ma dhacdo in la abaal-mariyo xad-gudbayaal iyo ma damqadayaal umadooda ay dhimaneyso iyagana Hoteelo ku fadhi diriraya.

Socdaal aan dhamaan, qarash aruursi, maslaxa diidnimo iyo mowshin joogta ah ayuu ku caanbaxay gudoomiyaha baarlamaanka waxaana taas daliil cad u ah socdaaladiisa isdaba jooga ah ee ujeedadooda ugu weyn ay tahay galida heshiisyo ganacsi iyo furashada Account bangi maadaama asalkaba shariifku uu ahaa ganacsada ka baayac mushtara mukhaadaraadka uu jaadka ka midka yahay sida ku xusan Cv-giisa uuna ka sheegay shirkii Imbagaati iyo Wareysigii keydmedia uu siiyay 2008.

“Annaga ma waxaan u afduubanahay nimankan 550 ah ee sida caruurti isaga cayaaraya, xili haba korarsadaane maxay ummadda u qabteen, soo kuwa maalin walba oo ay shiraan la fisho geerida shacabka ma ahan, maalin qura miyeey ka hadleen danta ummadda iyo daryeelkeeda, soo kuwii todobaadkii hore ku dagaalmay daryeelka danyarta soo jeedintii la xiriirtay, maxay xal keeni karaan, waaba dad mudan in la xabiso oo iftiinka qorraxda iyo neecawda laga qariyo” sidaa waxaa ku dooday Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool muqdisho oo aan la xiriirnay si aan wax uga ogaano aragtida hooyooyinka ee  ku aadan wixii khamiistii ka dhacay xarunta golaha shacabka ee ka soo horjeeda masaajidka Isbaheysiga Islaamka.

“Dan ma ahan in ay kursi isaga fadhiyaan dad aan wax qabad laheyn oo iska qeylinaya, arin aan la yaabay ayeey igu noqotay markaan ka dhageestay Raadiyaha warbixin ku aadan nimankii sida caruurta u dhaqmayay oo kordhistay xiligii koriimada, hadana waxaan is tusay oo ogaaday in xittaa aanay koreynin maskax ahaan raggan iyaga ah, waayo maba aha kuwa fakara oo dan Dal iyo dad toona yaqaan, kaliya waxay daneeyaan laaluush iyo buuq in ay dhex mushaaxaan” sidaa waxaa yiri Eng Guuleed Warfaa oo ku nool magaalada Galkacyo oo aan telefoon kula hadalnay.

“Ilama saxsana talaabada ay qaadeen ragga Baarlamaanka sheeganaya, waayo waxqabad muuqda lagama hayo mudada 7-da sano ah ee ay jiraan, marka laga soo tago gaarida go’aano guracan oo bulshada lagu waxyeelay dalkana lagu burburiyay, oo uu ka mid ahaa go’aankii Itoobiya ay ku  soo gashay magaalada Muqdisho aynu ku baabi’isay umada Soomaaliyeed kuna burburisay Dalka” sidaa waxaa yiri Jenaraal Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ah Jananadii hore ee ciidamada Soomaaliya iminkana ku sugan Gobalka Galguduud.

Yaa Hindisay Go’aankan?

Jawaaba su’aasha ma ahan mid waqti badan qaadaneysa oo waxa ay la mid tahay halku dhigii soomaalida ee ahaa “Canbuulo Carrab saaran” waxaana fikirkan uu ka yimid dowlada Itoobiya oo qalin daar siyaasadeed oo wanaagsan la leh Shariif Baarlamaan,waxaana falsafada arinkaasi ka danbeysa ay tahay Itoobiya oo dooneysa in ay si dadban uga faa’ideysato kheyraadka Soomaaliya iyada oo heysata cod beenaadka Baarlamaanka.

IGAD iyo AU ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay oo cod dheer ku yiraahdaa wiilasha yar yar ee ciyaar caruureedka ku wanaagsan waa in ay helaan fursad ay ugu sii jiraan barxadda ay ciyaarta ka dhaceyso, waxaana ay soo jeediyeen in 1-sano loo ogolaado lana biilo, laakiin aabihii wiilasha ayaa cod uu qaaday ku sheegay in 421 ka tirsan wiilasha ay jecleesteen masaruufka inuu socdo 3-sano mowshinada aysan hakan.

Kolkii uu ku dhawaaqayay shariif Xasan natiija ku sheegii ka soo baxday kulankii khamiista waxa uu kula dardaarmay wiilashiisa iyo gabadhaha tirada yar in ay maalin walba oo loo yeero sidan oo kale u yimaadeen, isagoo ku hanjabay in qofkii aan iman kursigiisa la jabin doono si aan xittaa mar danbe loogu fariisan.

Aragtida USA &UN

Maraykanka iyo Qaramada midooway oo inta badan u muuqaal eg kuwa  hal dhag wax ka wada maqla ayaa jimcihii si wadajir ah waxa ay u sheegeen in ay ka niyad jabsan yihiin talaabada Shariif Xasan, laakiin niyad jabkooda ma ahan mid la xiriira dhibaatada ay ummadda ku hayaan, xildhibaanada tirada badan ee waa qarashaadka biilka ah ee ku baxa 550 shaqsi.


Ku xigeenka xoghayaha arimaha dibada Maraykanka ninka lagu magacaabo James oo iminka socdaal ku maraya Kenya ayaa sheegay in Dowlada Maraykanka ay aad uga warwarsantahay arnkaasi ayna ka niyad jabtay wixii khamiisti ka danbeeyay arimaha Soomaaliya.

U qeybsanaha QM arimaha Soomaaliya ninka lagu magacaabo Augustine Mahiga oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sidoo kale sheegay in ay QM aad uga niyad jabtay talabaadaasi, waxaana Mahiga kol hore uu sheegay in aan sinaba looga aqbli doonin Dowlada in bisha August kadib ay sii shaqeyso.

Aragtida Aqoonyahanka

Professor Saciid Xasan oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si weyn u dhaliilay talaabada xili kordhisashada kooxda Shariif Xasan, waxaana uu isaga uu adeegsanaya lahajad adag uu yiri ma ahan kuwa u qalma nimankaas magaca ay sheeganayaan ee Xildhibaan oo ah magac qaraweyn.

Professor-ka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in galaangal balaaran ay ku leedahay arinkan Dowlada Itoobiya, waxaana uu xusay in aragti ahaan uu qabo in Dowlada Itoobiya oo ka gadoodsan shariif Shiikh Axmed iyo Farmaajo ay dar dar galineyso arimahan.

Dhanka kale professor Cabdi Cismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee inta badan dhaliila horjoogayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay ku tirsanayaasha Baarlamaanka kuwa Carwa ah oo aan laheyn wax qabad iyo xishood toona.

Saadaasha Shacabka

Shacabka Soomaaliyeed marka xag alle wax ka yimaada laga soo tago marna ma aamisana in ay isbadal dhalin karaan 550 shaqsi ee u muuqaalka eg dadkii lagu dabiibi jiray waagii barisamaad isbitaalkii laasa-leeti ee lagu dabiibi jiray dadka dhimirka la, waxaana ay u arkaan waqti lumis iyo maaweelo.

Hamiga Shariif Xasan

Tilaabadan waxa uu u arkaa barbaarin wanaagsan isagoona ubadkiisa (Xildhibanada) ka sii diyaarsanayo waji, waxaana uu doonayaa in August marka xiliga Shariif Shiikh Axmed uu idlaado uu ku soo talaabsado kursiga lagu magacaabo madaxweynaha, laakiin waa Su’aale inteeba la aamini karaa Hamigaasii inuu dhab noqon karo.

Doodii VOA-da

Intii aan ku guda jiray falanqeynta qormadan ayaa waxaa telfoon iisoo diray saaxibkey Dr Malaas oo ka tirsan qoraayaasha waa weyn ee keydmedia oo ogaa in aan  wax ka qoraya mowduucan, waxaana Malas uu igu wargaliyay in Idaacada galabnimo ee VOA-da ay ka socoto dood la xiriirta isla mowduucan taasoo ay daadihineyso Wariye Sahra Cabdi Axmed oo Kenya ku sugan, waxaan haabtay Raadiyow ii yaalay Computer-ka hareertiisa kaasoo aan saaray mowjada VOA.

Waxaa ka qeybgalayay dooda xildhibaanada kala ah Max’ed Xasan Daryeel iyo Max’ud Cabdi Xasan Beegoos, waxaana labada xildhibaan ay kala ayid-sanaayeen fikradaha kala ah sax-ahaanshaha xili kordhisashada iyo qalad ahaanshaheeda.

Beegoos ayaa sheegay in wax badan ay qaban doonaan, isagoona ku faanay in ciidamo hor leh ay imaan doonaan waxna ka qaban doonaan ammaanka Dalka, waxaana uu ku sii dooday in ay wanaagsantahay in mudada intaas laga sii badiyo.

Laakiin xildhibaan daryeel ayaa qaba in ay fashilmeen xildhibaanada ayna aheyd daw in fashilkooda iyo lugooyada ay kala hor wareegaan ummadda in ay daw tahay.

Mustaqbalka Soomaaliya

Inkastoo alle qur’aankiisa uu ku yiri “haka quusanina raxmadeyda” ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in mustaqbalka Soomaaliya aanu waxba ka duwaneen qol mugdi ah oo qufulan furihiisiina badweynta hindiya bartamaheeda lagu tuuray!!!

Abdulkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.