Yaa ku hardamaya Gobollada Koofureed?

By Prof. Mohamoud Iman Adan- Virginia, USA - Gobollada koofureed waxaa laga dhigay deegaan qulqulato colaadeed iyo xasarad siyaasadeed mar walba ka aloosan yihiin oo dadka deegaannadadaas ku abtirsada ay is-maandhaafsan yihiin. Muddo labaatan sano ah ayaa ficilladaasu joogto noqodeen, adduun-weynuhuna sawirkaas ayuu hadda maanka ku hayaa. Arrintaasu waxay hadda noqotay dhaqan-dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo gaamurtay.
Faallo Keydmedia Online
Yaa ku hardamaya Gobollada Koofureed?

Bulshada Soomaaliyeed waxay u kala baxdaa safar hormo oo saldhig u ah hoggaaminta iyo aayaha bulshadooda:

A - Siyaasiin ruug-caddaa ah oo is-xakamaysa oo majaraha u qabata aayaha deegaamadooda.
B - Maalqabeen hantidooda u hura nabadaynta deegaanka iyo midaynta maanka siyaasiintooda.
C - Aqoonyahan tibaaxa horumarinta bulshada iyo dhismada deegaanka.
D - cududda difaaca bulshada iyo deegaanka.

Shirqoolka jiiftada ah oo ka dahsoon siyaasiinta, indheer-garadka iyo aqoonyahanka reer-koofureed waxay tahay in deegamaadoodu marna noqdon meel nabad ah oo hoggaamisa hormuudnimada aayaha bulshada soomaaliyeed. In gobolladaasu noqdaan god halaq-galeen ah oo dadku kala anfariiro. In midnamadooda iyo horumarkoodu banjaraan. In dad kale oo nabadda u diiddan ay dherigooda walaaqaan. Inay magac-xumo qaataan muunaddii ay lahaan jireenna lagala wareego. Inay ciirsi bidaan kuwa dantooda kala tuuraya. Inay maankooda iyo magacooda majo loo rogaan. Inay noqdaan halqabsi dullaysan oo farta lagu wada fiqo.  

So




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.