In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Ha ka sugin Madaxdii ololaha u gashay inaan xadkii aanu Badda ku lahayn oo dhan 200 oo (Nautical Miles) oo ay ku doodeen inay nagu filan tahay 12 nautical miles oo loo bixiyey EEZ ( Exclusive Economic Zone) aannagoo leh 200 oo nautical miles, sababta ay sidaas u leeyihiinna la garanayo.
Ha ka sugin kuwii iibsaday Qaranimada Dalka oo ku wareejiyey IGAD, kuwaasoo soo abaabulay shaxda ku xusan Roadmap. Ha ka sugin in Ambassador Augustine P. Mahiga uu u tafaxayto sidii qaxootiga iyo maxaabiista Soomaaliyeed uu soo furan lahaa oo uu dalka dib ugu soo celiyn lahaa.
Danyarta Soomaaliyeed dhibaatooyin badan bay lasoo gudboonaatey laga soo bilaabo 1991-dii oo ahayd markay ay dhacday dawladdii Militariga ahayd. Dadka Qaxay oo barakaceyaaha u badan waa danyarta qayb kamid ah oo maanta ku go’doonsan ama jiifa xabisyo ku kala firirsan cirifyada dunida oo gacanta ugu jira cadow aan u diirnixin.
Qaxootigaas oo 96% in u dhiganta ay yihiin dhallinyo ah cududdii Dalka dib u dhisi lahayd, waxay u baahan yihiin nabad, caddaalad, nolol iyo dawladnimo ay dugsadaan oo dalkooda ku joogaan.
Intii nasiib u yeelatay inay tagaan dalal u gurmada oo soo dhaweeyey barakaceyaasha mooye, hirarkii ka dambeeyey waxay u badan yihiin maxaabiis gacanta u galay dalal shiisheeyey iyo qaxooti ku go’doonsan deegaanno shisheeye oo madiidin ka dhigta.
Maxaa sababa in danyartu dalkoodii Hooyo ka Qaxaan? Saababo badan, waxaana kamid ah:
Danyartii ka rajo-dhigta Nabad iyo Horumar la’aanta ka jirta Gobollada Koofureed way ka huleeleen Dalkoodii Hooyo waxayna u qaxeen meel kasta oo nolol laga heli karo, siiba dawladaha Yurub oo garawsho iyo tixgelinba laga heli karo.
Inta ay tubta kusii jiraan, dhibka Qaxootiga soo gaara waa badan yahay oo lagama wada sheekayn karo, waxayse u badan yihiin:
Waxaa nasoo gaartay in maxaabiista qaarkood dhagaha la jaro si ayna burcad-badeed dib ugu laaban. Sidoo kale, waxaa nasoo gaartay in qaar kale summad lagu dhigto, sida xoolihii oo kale, oo ay reer u shaqeeyaan ilaa ay ka biixiyaan qarashka lagu sheegto.
Maxay TFG-du u qabatay dhibaneyaasha Maxaabiista iyo go’doon Qaxooti isugu jira? Waxba. TFG-du maku talojirtaa inay dadkaas u gurmato oo wax u qabato? Jawaabtu waa Maya. Maxay u qaban kartaa hadday danaynayso inay u miciinto dhibbaneyaasha shacbigeeda kamidka ah? Wax badan. Maxaa madaxweynuhu dadkaas u qaabtay? Waxba. Maxaa Wasiirka 1aad dadkaas u qabtay? Waxba.
Maxaa wasiirka Caddaalladdu dadkaas u qabtay? Waxba. Maxaa xildhibaannadu walaalahood oo dhibaneyaal ah u qabtaan? Waxba. Maxaa afhayeenka baarlamaanku dadkaas u qabtay? Waxba. Maxaa Golaha wasiirradu dadkaas u qabatay? Waxba.
Maxaa safiirrada TFG-du dadkaas u qabateen? Waxba. Maxaa Ambassador Augustine P. Mahiga uu maxaabiista iyo qaxootiga go’doonsan uu u qabtay? Waxba.Yaa wax qaban kara hadday isku taxallujiyaan? Dhaammaan inta kor ku xusan, waxa loo qaban karana waxaa kamid ah:
Xoogga iyo loolanka TFG-du gelisay jagadii Shariif Sakiin laga qaaday wuxuu dib usoo aruurin lahaa qaxootiga ku go’doonsan dalal shisheeeye iyo ku rajo-beelay xabsi miciin la’aan ah.
Maxaa dadkaasu dhibaato la kulmay? Waxay isugu jiraan wax jirro lama filaan ah jidka kusii dhimata, kuwo bahal cunto, kuwo xoog lagu addoosado oo u adeega cadaw aan u nixin, iyo kuwo dalkii ay tagaan lagu xirxio oo rag iyo dumar isugu jira.
Waxaa ugu daran kuwa Yukarayn galay xabiska aan ka bixin, haddii ay ka baxaanna aan dalka laga sii dhoofin, oo misana dib loo soo xiro marka dalka laga helo. Kama bixi karaan oo qaarkood carruur ka halkaas ku dhalaan.
Dadka Libiya oo Muslmiin ah kuma nabadgelin kuwii halkaas ku noolaan jirey dagaalka kahor; sidaas darted qaar baa doonyo ku baxsaday si ay u galaan Talyaaniga oo badda ku dhintay. Kuwo badan waxay ku dhinteen xabaddii is-dhaafka ku haleeshay, in badan oo kale xabisyada Libiya ayay weli ku jiraan, iyagoo lagu eedaynayo Qadaafi baad la jirteen.
Kuwo kale, waxay ahaayeen burcad-badeed ku xiran dalal badan oo galbeedku u badan yihiin oo la xukumay ama xukunsugeyaal yihiin. Dhibka iyo rajo-beelka dadkaas ku dhacay waxaa soo gaarsiiyey dawlad la’aan, caddaalad la’aan iyo garawsho la’aanta maamulka TFG-da.
Gurmadka loo fidin lahaa qaxootiga iyo maxaabiista dalka ka maqan Soomaaliweynta ayaa ciirsi ugu dhow.
Akhristeyaasha Keydmedia ha taakulaynta ha ugu hormaraan oo ha furaan saanduuq dhaqaale oo lala kaashado soo celinta dadkaas. Is wargeliya oo ka wada tashada sidii dadkaas loogu ciidmi lahaa oo dalka loogu soo celin lahaa.
Xalka taakulaynta ha lala kaashado UN-ka, Dawladaha Diinta Islaamka ku midoobay, Midowga dawladaha Carbeed, kuwa Midowga Yurub, Kongreeska Dawladda USA, Dawladda Turkiya, Dawladda Shiinaha, Dawlaadda Maleysia, Dawlaadda Indunisiya, iyo cid kasta oo arrintaas nagu gargaari karta.
Waxaa loo baahan yahay maagacaabid guddi arrintaas joogteeya, ama wasaarad ku shaqo leh soo furashada maxaabiista iyo soo celinta iyo dibu-dejinta qaxootiga oo dalkooda dib loogu soo celiyo, iwm.
Roadmap-ka ha lagu daro meel-marinta arrrinta oo dhab ahaan ka muhiimsan dib u yaraynta tirada xildhibaannada, samaynta dastuurka iyo ololaha kursi doonka Shariif Sakiin.
Keydmedia.net Editorial Desk
Add comment
Comments