Warar Keydmedia Online | 12 December 2010

Jabuuti(keydmedia) kulan seddexdii Casho ee la soo dhaafay uga socday Dalka Jabuuti qeyba ka mid ah xubnaha naadiga hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali pen.

Warar Keydmedia Online | 12 December 2010

Muqdisho(keydmedia) Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow oo hore uga tirsanaa saraakiisha Maxkamadaha ayaa sheegay in xiligan sida muuqata aanu sii jiri Karin kooxda uu hogaamiyo Xasan Daahir Aweys waxaana uu ugu baaqay kooxdiisa in ay go’aan qaataan.

Warar Keydmedia Online | 12 December 2010

Buurhakaba(keydmedia) Wararka laga helayo degmada Buurhakaba ee gobalka bay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xaalad kacsanaan ah oo aad u daran iyadoona shacabkii halkaasi ku noolaa ay bilaabeen barakac.

Warar Keydmedia Online | 12 December 2010

Mudug(keydmedia) Wararka naga soo gaaraya gobalka ayaa sheegaya in fashil uu ku soo dhamaaday kulan ujeedadiisu uu ahaa xal u helida dhibaatadii ka dhacday mudug kaasoo ay garwadeen ka ahaayeen xubno wasiiro iyo xildhibaana ah oo ka socday dowladda KMG ah.

Warar Keydmedia Online | 12 December 2010

Muqdisho(keydmedia) Waxaa xalay saq dhex ka dhacay magaalada Muqdisho dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool xaafadaha kale duwan ee magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online | 12 December 2010

London (keydmedia) - Shabakada Wikileaks ayaa daaha ka qaaday siro qarsoonaa oo ay xukuumada Mareykanka in muddo ah qarineysay kuna aadan Gaadiidka ay isticmaalaan Saraakiisha sare ee Dowlada KMG ah iyo kuwa Amisom, si ay uga badbaadaan miinooyinka dhulka la geliyay oo meelaha fog laga hago, iyo xaalada marin biyoodka badda cas.

Warar Keydmedia Online | 11 December 2010

Buurhakaba(keydmedia) Wararka aynu ka heleyno degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa sheegaya in halkaasi iminka uu ka socdo dagaal u dhaxeeya dhinacyada mataanaha ah ee ka soo horjeeda dowladda KMG ah.

Warar Keydmedia Online | 11 December 2010

Muqdisho(keydmedia) Golaha guurtida siyaasadda beelaha Hawiye ayaa dalbaday in qaab dagaalka Muqdisho wax laga badalo isla markaana aagaga dagaalka loo qeybiyo 4.5 oo ah sida ay Soomaalida wax ku qeybsato

Warar Keydmedia Online | 11 December 2010

New York(Keydmedia) QM ayaa daboolka ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen dagaalada Dalka ka socda iminka seddex meelood meel ay u baahanyihiin gar gaar aadaminimo si xaaladooda ay u hagaagto

Warar Keydmedia Online | 11 December 2010

Boosaaso(keydmedia) Iyadoo dhawaanahanba ciidamada Faroole ay ka wadeen magaalooyinka Garaawe iyo Boosaaso howl galo lagu xirxirayo dadka ku nool deegaanadaasi ayaa waxaa ka hadlay arinkaasi horjooge ka tirsan maamulka Faroole oo lagu magacaabo Yuusuf Axmed Kheyr.

Warar Keydmedia Online | 11 December 2010

Galguduud(keydmedia) Maamulka Ahlu-suna ee gobalka galguduud ayaa lagu sheegay in xoogaga Ahlu-suna ay gacanta ku dhigeen dagaal yahano ka tirsan kooxaha la dagaalama dowladda iyo Ahlu-suna ee ku sugan gobalada Soomaaliya qaarkood.

Warar Keydmedia Online | 10 December 2010

Muqdisho(Keydmedia) Dunida sanad walba maanta oo kale waxa ay u dabaal dagtaa maalinta xuquuqda Aadanaha Caalamka (International Human Rights Day ) iyadoona dib loo eego sanadkaasi dhacdooyin xadgudub ee ka dhacay caalamka.