AFRICOM oo war kasoo saartey duqeyntii Kunya-Barrow

Labo xaruun oo ay lahayd Al-Shabaab ayaa lagu burburiyay duqeynta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRICOM.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], ayaa soo saarey maanta qoraal uu ku xaqiijiyay inuu labo weerar oo cirka ah ka fuliyeen degaanka Kuunya-Barrowe, ee gobolka Shabeellaha Hoose maalintii shalay.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta lagu burburiyay xaruumo Al-Shabaab ay ku lahayd magaaladda, kuwaasoo la sheegay inay deganayd Idaacadda Al-Furqaan, oo afka Al-Shabaab ku hadasha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.