Al-Shabaab oo 44 jir xukun dil ah ku fulisay

Goob fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo kamid ah dadka degaanka, kuwaasoo daawanaayay qaabka xukunka dilka ah uu dhacayay.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa degaan lagu magacaabo Ceel-Cali oo katirsan gobolka Hiiraan ku dishay oday 44 jir ah, oo lagu eedeeyay inu horey qof shacab ah ugu dilay tuulo ku dhaw halka lagu toogtay.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Xasan Aadan Cali ayaa dilay Xasan Cismaan Ibraahim, sidda Maxkamadda Al-Shabaab sheegtay, mana jirin qareenno madax-banaan oo u dooday, waxaana go'aan ka gaarey kiiskiisa Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.