Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Farmaajo

Madaxda Maamullada iyo Farmaajo ayaa ku kala tagey Shirka oo markii horeba uu ahaa mid Beesha Caalamka ku qasbaysay oo aan iyagu daacad ka ahayn.

Warar Keydmedia Online
Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Farmaajo

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Shir Jaraa'id kuq abtay Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Farmaajo uu diiday talo-soojeedinta Madaxda ee ku aadan xalka khilaafka Gedo.

Wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu ku hadlay afka qabiilkiisa, balse uusan muujin inuu yahay Madaxweyne Qaran oo laga rabay inuu xalka ka eego danta guud, wuxuuna si cad u sheegay in doorashadda Gedo loo diiday inay Jubaland maamusho.

"Reerkayga ayaa degan Gedo, aniga ayaana maamulaya doorashadda Xildhibaanada Garbahaarey," sidaasi ayaa Farmaajo ku yiri Axmed Madoobe intii ay wadahadalada socdeen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Farmaajo ayaa hal degmo oo beeshiisa Xildhibaanadeeda lagu soo dooranayo u burburinayaa dowladnimada iyo doorashadda Soomaaliya oo khilaafk badan oo Gedo ku saabsan ka taagnaa, islamarkaana la isku dayay in meel dhexe la isaga yimaado.

Hore ayay Keydmedia Online usoo qortay in Gedo ay ku dagaalamayaan maamulkeeda Mareexaan oo Faramaajo kasoo jeeda iyo Ogaadeen oo Axmed Madoobe ka dhashay, iyadoo Madaxweynaha si cad ula saftay qabiilkiisa.

Shirkii 4aad ee Dhuusamareeb ayaa u burburay Gedo darteed oo Farmaajo tanaasul u sameyn waayay danta dalka iyo dadka, waxaana laga cabsi qabaa in Maanta Gollaha Shacabka uu mudo kordhin u sameeyo Madaxweynaha oo lagu wado inuu khudbad u jeediyo.

Mudo xileedka Farmaajo labo maalmood ayaa ka dhiman dalka doorasho kama dhacayso, waxayna shacabka ka walaacsan yihiin halka mustaqbalka Soomaaliya ku dambeyn doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.