Beesha Caalamka oo isha ku haysa Xiisadda ka taagan Galmudug

Qoor-Qoor ayaa ka qoomamaynaya waqtigii uga lumay u adeegista Farmaajo iyo Fahad, isagoo qarka u saaran inuu lumiyo Kursiga Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka oo isha ku haysa Xiisadda ka taagan Galmudug

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamida wakiiladda Beesha Caalamka ayaa kulan kula yeeshay aaladda fogaan-aragga ZOOM Madaxweyne Qoor-Qoor isagoo ku sugan Dhuusamareeb.

Diblomaasiyiinta ajnabiga oo uu hogaaminayo James Swan, wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa u sheegay Qoor-Qoor inay ka walaacsan yihiin xiisadda ka taagan Galmudug iyo bakaraca.

Qoor-Qoor ayaa loogu baaqey inuu joojiyo dagaalka, islamarkaana miiska wadahadalka ku dhameeyo tabashadda Ahlu Sunna, oo ah koox diimeed huneysan oo degaanno la wareegtay.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay amniga doorashadda Aqalka Hoose iyo dhameystirka 2da Kursi ee ku harsan Galmudug, kuwaasoo mid kamida uu dhex-yaallo Xaaf iyo C/qeybdiid.

Galmudug ayaa gashay marxalad dagaal xiligii u diyaar-garoobaysay doorashadda, waxaana maamulka qoor-Qoor qarka u saaran yahay inuu meesha ka baxo oo Ahlu Sunna la wareegto.

Ujeedka soo laabashadooda Ahlu Sunna ayaa la xiriirta doorashadda sidii kuraas uga heli lahaayeen Aqalka Hoose, waxaana Maclin Maxamuud wataa xubno wiilkiisa C/samad ku jiro.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.