Beledweyne oo markale biyo ku fatahay

Fatahaad sanadkii tagey uu wabiga Shabeellaha ka sameeyay magalaadda ayaa ku barakacay qoysas badan, iyadoo uu geystay khasaaro hantiyeed iyo mid nafeed.

Warar Keydmedia Online

BELEDWEYNE - Saraakiisha magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu ku fatahay Xaafad Xaawo-Taawo, waxaana laga cabsi qabaa inay biyaha gaaraan goobo kale.

Qoysas dhowr ah ayaa u baraacay maanta dhanka wali aan fatahaadda gaarin. Wabiga ayaa qararka jabsaday kadib markii uu buux-dhaafiyay maadaama lagu jiro xili roobaadka, sidoo kalena dhanka Itoobiya biyo badan ka imaanayaan.

Maamulka gobolka ayaa sameeyay dedaallo aan ku filnayn daboolista baahiyaha jira, oo ay ka mid tahay biyo xireen in lagu sameeyay meelaha loo malaynayo inuu wabiga kasoo fatahayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.