Ciidamada Itoobiya oo lagu weeraray Hiiraan

Degaanka Halgan ayaa waxaa ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, waxaana ay weeraro kala kulmayeen Al-Shabaab dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online

Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar aad u xooggan ku qaaday saldhigga Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya.

Weerarka ayaa isku bedelay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo tirada rasmiga ah wali la ogeyn.

Degaanka Halgan oo 75-KM Koonfurta uga beegan Beldweyne, ayaa waxaa ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, kuwaasoo inta badan ay soo weerarto Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.