Dagaallo culus oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Dadka degaanka iyo Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ah ay isku adeegsanayeen labada dhinac,i slamarkaana ay jiraan khasaaro soo gaaray askar iyo dad Shacab ah.

Warar Keydmedia Online

QORYOOLEY -  Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka, qeybta ka howlgasha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay inay iska difaaceen weeraro gaadmo ah, oo kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaal ay la galeen, balse tirada dhimashada iyo dhaawaca lama oga.

Dagaallada waxay ka dhaceen Baraawe iyo Qoryooleey xalay iyo Maanta, waxaana la sheegay in duleedka degmooyinkaas ay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.