DF oo ka hadashay dilka Macalimiinta

Mahdi ayaa sheegay in falka uu yahay mid fool xun oo aan la aqbali karin, isagoo ugu baaqey saraakiisha amniga inay si deg deg ah u baaraan. Aano qabiil ayaa lala xiriirinayaa dilka.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed, sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha dalka ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii saakay degaanka Raaga-ceelle loogu geystay shan Macalin dugsi qur'aan, kuwaasoo guri ay ku sugnaayeen dabley ku weerartay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyiinta dil wadareedka Macalimiinta Sheekh Daahir Xasan Cali Dheere, Macalin Maxamuud Canbuure, Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe, Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi iyo Ow Muxumud Xasan Cali Dheere.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.