EXCLUSIVE - Dhacdo Ugub Ah

Xulafadii RW Kheyre oo Mid Mid Loo Siibayo

Fahad Yasin oo mid mid u siibaya xulafadii siyaasadda ee RW hore Xasan Kheyre, sida Keydmedia Online ay ka ogaatay xeyndaabka Sirdoonka. 

Warar Keydmedia Online
Xulafadii RW Kheyre oo Mid Mid Loo Siibayo

Sida aan warar hoose ku helayno waxaa durbadiiba bilowday ugaarsi lagu hayo raggii gacansaarka siyaasadeed la lahaa Xasan Cali Kheyre, kuwaas oo uu Fahad Yasin Dahir u arko caqabad hortaagan rabitaanka Siyaasadda ee Madaxweyne Farmaajo, sida Keydmedia Online ogaatay.

Raggaas oo uu liiska meesha ugu horeysa kaga jiro Saadaq Cumar Xasan, oo ku magac dheer Saadaq Joon, ayaa la sheegayaa in warqadii xilka looga qaadi lahaa ay qoran tahay, isla markaana ay soo bixi doonto xiliga fooda inagu soo haya. 

Saadaq Joon ayaa ahaa ninkii Xukaamadda Xasan Cali Kheyre u adeegsan jirtay caburinta iyo la-dagaalanka xisbiyadda siyaasadeed ee ka aragtida duwan dawladda Farmaajo. 

Sida la ogyahay, waxaa xilka laga qaaday isla maalintii RW Kheyre xilka raga tuuray Axmednuur Cabdi, oo ahaa xoghayaha joogtada ee Xafiiska Ra'isul Wasaaraha. Axmednuur ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa gacanta midig ee Kheyre mudadii saddexda sano iyo barka aheyd ee uu talada hayey. 

Wararku waxay intaa raacinayaan in Abuukar Islow Ducaale, oo haatan ah Wasiirka Amniga Gudaha, isla markaana aad ugu dhawaa Kheyre la filayo in xil-ka-qaadis lagu sameyn doono. 

Kala soco KON wixii soo kordha. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.