KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Howlgalka ka socda duleedka Balcad ayaa sababtay inuu u guuro Mahad Salaad degmadaas, si uu isku daba-rido, isamarkaana u qorsheeyay dagaalka Al-Shabaab looga saarayo Shabeellaha Dhexe.
BALCAD, Soomaaliya - Mahad Salaad, taliyaha NISA ayaa xafiiskiisa shaqada u wareejiyay degmada Balcad, si KMG ah, waxaana uu hormuud u yahay howgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xogo hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu hogaaminayo dagaalka ka socda duleedka magaaladda, gaar ahaan Basra iyo Tuulooyinka ku teedsan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada NISA ay qeyb weyn ka qaadanayaan howlgalka, kaasoo ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab laga saaro goobaha ay ku diyaarin jirtay weerarada Muqdisho.
Mahad Salaad waxaa la sheegay inuu joogay markii uu dhacayay Qaraxii shalay nawaaxiga Basra oo hoostagta degmada Balcad, ee lagu dilay Farxaan Qaroole, taliyihii Booliska Muqdisho.
Taliyaha NISA ayaa isqariyay markii loo magacaabey taliska NISA, iyadoo uu yareeyay hadallada siyaasadeed ee badnaa, oo kusoo qori jiray baraha bulshadda, waxaana uu xoogga saarey waxqabad iyo inuu xasiliyo Muqdisho.
Howlgalka ka socda duleedka Balcad ayaa sababtay inuu u guuro Mahad Salaad degmadaas, si uu isku daba-rido, isamarkaana u qorsheeyay dagaalka Al-Shabaab looga saarayo Shabeellaha Dhexe," ayuu yiri Sarkaal NISA katirsan, oo KON la hadlay, kaasoo magaciisa ka gaabsadey.
Mahad Salaad waxa uu NISA ka sameeyay isbedel iyo isku-shaandheyn, isagoo raba inuu hay'adda kusoo celiyo jidkii toosnaa ee loo aas-aasay raadinta xogaha sirdoonka iyo kahor-tagga weerarada.
Mudadii Farmaajo xafiiska joogay, NISA iyo hay'adaha kale ee amniga waxa uu ka dhigtay kuwa isaga si gaar ah ugu shaqeeya, oo danihiisa siyaasadeeda ku fulista, taasoo keentay in laga weecdo dagaalka Al-Shabaab iyo amniga.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.