Diyaaradaha oo joojiyay duulimaadka Baledweyne

Mas'uuliyiinta gobolka iyo Maamulka HirShabeelle ayaa ka gaabiyay inay si casri ah u dhisaan Garoonka, oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga.

Warar Keydmedia Online
Diyaaradaha oo joojiyay duulimaadka Baledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa xirmay Garoonka diyaaradaha Beledweyne kadib markii roobab da'ay ay biyo dhigeen gudaha, gaar ahaan runway-ga, waxaana la hubin xiliga uu adeeggan dib usoo noqon doono.

Garoonka oo aan si casri ah u dhisnayn ayaa keentay in xirnaanishiisa soo noq-noqoto, waxaana sanadkan ku gubatay diyaarad ka timid Jabuuti oo gargaar bini'aadanimo u wadey dadkii ku barakacay fatahaadda webiga Shabelle.

Waxaa hadda lagu guda jiraan xili roobaadka Deyrta, oo ka billowday gobollada dalka, waxayna sababeen meelaha qaar xirnaasho wadooyinka, fatahaad iyo in diyaaradah ay hakiyeen duulimaadkii Beledweyne.

Dadka ku nool Hiiraan ayaa aada dhanka Galgaduud marka ay rabaan inay safar dhanka hawada ah ku aadaan magaaladda Muqdisho iyo qeybaha kale ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.