KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxay dagaal adag la gashay Trump afartii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo la kulantay cadaadis xoog leh gudaha iyo dibadda, oo Siyaasiyiinta Yahuudda taageera ku hayay.
WASHINGTON - Ilhan Cumar ayaa mar labaad noqotay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Mareykanka, kadib markii ay difaacatay kursigeeda, iyadoo ka adkaatay Musharax si wayn loo maal-geliyay oo kamid ah Jamhuuriga oo lagu magacaabo Lacy Johnson.
Kursigan oo laga soo doorto degmada 5aad ee gobolka Minnesota ayaa loo galay tartan adag, kaasoo ugu dambeyntii ay kusoo baxday Ilhan Cumar, oo haysata taageeradda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi degan iyo dadka kaloo madowga u badan.
Ilhan ayaa waxay tagtay Mareykanka iyadoo qaxooti ah oo kasoo carartay Soomaaliya markii dagaalka sokeeye qarxay, waxayna noqotay 2016 mid kamid ah labadii haween ee ugu horeeyay oo iyagoo muslim ah loo doorto koongareeska.
Waxay dagaal adag la gashay Trump afartii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo la kulantay cadaadis xoog leh gudaha iyo dibadda, kadib markii ay sameysay hadal Yahuud-naceyb ah, kaasoo markii dambe raali-gelin ka bixisay.
Sanadkii lasoo dhaafay, Ilhan Cumar ayaa guursatay nin u dhashay Mareykanka, oo ahaa la-taliyaheeda siyaasadda, iyadoo iska furtay Axmed Xirsi oo ay u dhashay caruurta ay haysato. Guurka ninkan aan Muslimka ahayn ayaa ku lumisay taageeradda dad badan oo Soomaali ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.