Duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Lix xubnood oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay, saddex kalena way ku dhaawacmeen howlgalka duqeynta ay Ciidanka Mareykanka ka fuliyeen degaanka Daarusalaam, oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online

Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa maanta oo saarey war qoraal ah oo uu ku xaqiijiyay inuu 24-kii bishan ka fuliyay degaanka Daarusalaam duqeyn diyaaradeed, taasoo lala eegtay Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in lix xubnood oo kamid ah Al-Shabaab inay ku dhinteen dqeynta, sidoo kalenaa ay ku dhaawacmeen 3 kale, waxaana qoraalka lagu xusay inaysan jirin khasaaro shacabka soo gaarey.

Mareykanka ayaa 25-kii bishan, Shalay ka fuliyay Saakow weerar dhanka cirka ah, kaasoo lagu dilay Sarkaal katirsanaa Al-Shabaab, oo DF ku sheegtay magaciisa C/qaadir Kumaandoos.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.