Duqii degmada Beledweyne oo xilka laga qaaday

Wareegtada xilka looga qaaday Safiya ayaa sidoo kale lagu soo magacaabay Nadar Tabaax Maalin oo noqoneysa duqa cusub. 

Warar Keydmedia Online
Duqii degmada Beledweyne oo xilka laga qaaday

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Duqii degmada Beledweyne Safiya Sheekh Xasan Jimcaale ayaa xilkii laga qaaday kadib wareegto kasoo baxday xafiiska wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle.

Safiya oo aheyd haweeneydii ugu horeysay ee duq degmo ka noqota Beledweyne, ayaa muddo sanad iyo bilooyin xilka heysay. Wareegtada kasoo baxday xafiiska Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale lagu magacaabay Nadar Tabaax Maalin oo noqoneysa Duqa cusub.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.