Fahad Yaasiin oo shaqada Farmaajo la wareegay

Wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin uu noqday qofka go'aanka ka gaarayo masiirka dalka, isagoo tusaale usoo qaatey in Doorashadii Hirshabeelle isaga lagala hadlayo, sidoo kalena kala xaajoonaya xiisadda ka taagan Gedo Axmed Madoobe.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo shaqada Farmaajo la wareegay

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga C/raxmaan Cabdishkuur, oo gudoomiye u ah Xisbiga Mucaaradka Wadajir ayaa sheegay in howshii uu qaban lahaa Ra'iisul Wasaaraha la magacaabayo uu hayo Fahad Yaasiin, taliyaha NISA.

Wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin uu noqday qofka go'aanka ka gaarayo masiirka dalka, isagoo tusaale usoo qaatey in Doorashadii Hirshabeelle isaga lagala hadlayo, sidoo kalena kala xaajoonaya xiisadda ka taagan Gedo Axmed Madoobe.

"Doorashadii Hirshabeelle waxaa lagala hadlayaa taliyaha Nabadsugidda (TN). Xalka Gedo waxaa ka xaajoonaya Madaxweynaha Jubbaland iyo TN. Waxaa kulmay madaxweynihii hore iyo TN. Madaxweynayaasha maqan waxaa raadinaya TN. Horta sii hayihii aaway? mise waa maqaar saar?," ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale, CC Shakuur wuxuu xusay in Fahad Yaasiin uu wado howshii laga rabey sii-hayaha Ra'iisul Wasaaraha, sidaas darteed aan loo baahnayn in Farmaajo uu isku mashquuliyo raadi nta Ra'iisul Wasaare cusub, oo taliyaha NISA ka dhigto.

"Maa wiilka xilka loo magacaabo illeyn xaajo ugub ah maaha oo horay ayaa Maxamad Siyaad xilkaan ugu magacaabay Maxamad Cali Samatar oo beesha shanaad ah, beesha sugaysana dacwadii ayaa ka dhamaatee looga faataxeeyo?", ayuu hadalkiisa raaciyay Siyaasiga.

Waa arin cidna daah ka saarnayn in Fahad Yaasiin inuu yahay shaqsiga daaha-gadaashiisa ka maamula Farmaajo, oo talada wadanka isaga ka go'do, waxaana midan ay sharaf dhac ku tahay qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.