Fahfaahin: Khasaaraha Dagaalkii Xabsiga Dhexe oo lasoo afjaray

Qof kamid ah ilaalada ayaa marka hore la toogtay, waxaana xigtay rasaas xoogan kadib markii ay qoryaha AK-47 helaan maxaabiista kale ee katirsan Al-Shabaab, kuwaasoo markii dambe Ciidamada ay toogasho ku dileen.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Khasaaraha Dagaalkii Xabsiga Dhexe oo lasoo afjaray

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in 4 maxbuus oo ka dagaalamayay mudo saacado ah gudaha Xabsiga Dhexe la toogtay, islamarkaana ay hadda xaaladda caadi kusoo laabatay.

Ismaaciil Mukhtaar, oo u hadlay Wasaaradda ayaa sheegay inuu jiro khasaarooyin kala duwan oo soo gaarey Ciidamada ilaalada Xabsiga Dhexe, balse ay dib kasoo sheegi doonaan

“Ciidamada Amniga ayaa toogtay 4 maxbuus oo isku dayay in ay ka baxsadaan Xabsiga, waxaa jiro dhimasho iyo dhaawac soogaaray ilaalada xabsiga, xaaladda Xabsiga hadda waa mid daggan, majiraan maxaabiis baxsatay,” ayuu yiri Afhayeenka.

Maxaabiista Al-Shabaab ayaa la sheegay in hub loo gacan-geliyay kadib markii la toogtay waardiyihii irida Xabsiga ilaalinayay, oo uu dilay maxbuus baxsaday kahor inta uusan dagaalka xarunta ka dhex-qarxin.

Su’aallo ayaa la iska waydiinayaan sida xubno katirsan Al-Shabaab oo ku xiran xabsiga ugu suurta-gashay inay hub helaan, kadibna ay ka dhex dagaalamaan gudaha goobta ay ku xiran yihiin, oo aad loo ilaaliyo.

Sarkaal katirsan Asluubta, oo Keydmedia Online ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid aragagax leh, una muuqata qorsho horey loo diyaariyay oo loogu tala-gala inay ku baxsadaan maxaabiista Al-Shabaab. [Halkan kala soco wareysiga].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.