Fahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

Waxaa xiliga qaraxa wadada marayay Gaari nooca aan xabada karin [Bulletbroof], kaasoo la ogeyn mas'uulka saarnaa, oo ka badbaaday weerarka.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmey Qarax Miino, oo Maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee magaaladda Muqdisho, oo mudooyinkan dambe ay kusoo kordhayaan qaraxyada iyo dilalka.

Dad goobjoog ahaa oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in bam la dhigay jidka hormara Isbitaalka DEVA uu qarxay xili halkaasi uu marayay Gaari nooca aan xabadda karin [Bulletbroof], kaasoo uu la socday mas'uul sare oo DF katirsan.

Bishan aan ku jirno Muqdisho waxay u tahay midii ugu qaraxyada badnaa sanadkan 2020, iyadoo maalin kahor weerar culus lagu qaadey Elite hotel oo Xeebta Liido ku yaalla, kaasoo lagu dilay 16 qof oo Mas'uuliyiin kamid yihiin.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in iyadoo ka faa'idaysanaysa xiliga kala-guur, ay kordhisay weeraradeeda argagaxiso xili Kooxdan looga adkaadey dagaalladii ugu dambeeyay ay kula galeen Ciidanka Dowladda iyo AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.