Fahfaahin: Weerar lagu qaadey Hotel ku yaalla Muqdisho

Hotel-kan oo dhawaan la furay ayaa waxaa iska leh Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Nuur, kaasoo horey usoo noqday Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xiligii Xasan Sheekh.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Weerar lagu qaadey Hotel ku yaalla Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo galabta ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku yaallaan goobo loo dalxiis tago iyo dhismooyin casri ah.

Qaraxa oo ka dhashay Gaari lagu soo xiray walxo qarxa, ayaa ka dhacay afaafka hore ee hotel-ka Elite oo xeebta ku yaalla, waxaana xigay rasaas xooggan oo la maqlayay mudo daqiiqado ah, taasoo aan la ogeyn cida ridayso.

Warar hordhac ah oo khasaaraha ku saabsan ayaa sheegaya in 10 qof dad gaaraya ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loola cararay Isbitaallada magaaladda Muqdisho.

Ciidanka dowladda ayaa goobta gaarey daqiiqado kadib qaraxa, waxaana la xiray hotel-ka oo albaabkiisa qaraxa ka dhacay, iyadoo uu socdo howgal lagu xaqiijinayo amniga.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse waxaa loo maleynayaa Kooxda Al-Shabaab oo falalka noocan ah looga bartay inay ka fuliso dalka, gaar ahaan Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.