Ciidanka DF oo jirdilay Guddoomiyaha degmada Wardhigleey

Jirdilka guddoomiyaha ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ciidamo kawada tirsan ilaalada xarunta gobolka Banaadir iyo sidoo kale kuwa iyada la socday.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DF oo jirdilay Guddoomiyaha degmada Wardhigleey

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha degmada Wardhigleey Saynab Maxamed Xaabsey ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kadib markii jirdi loogu geystay shalay afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in askari ka tirsan ilaalada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar uu guddoomiyaha jirdilay, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada ilaalada ka haya xarunta iyo kuwii iyada la socday.

Askariga ayaa lagu soo waramayaa inuu guddoomiyaha qoriga liifkiisa ku garaacay, isla markaana uu jiro jabniin lafta oo dhinaca feeraha ah, waxaana la sheegayaa in guddoomiyaha oo xaalad miyir dabool ah ku jirta goobta laga qaaday.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo mas'uuliyiin katirsan gobolka ayaa xalay Isbitaalka ku booqday, waxaana la sheegayaa in xaalada guddoomiyaha ay haatan ka soo roonaaneyso .

Askarigii dhaawaca guddoomiyaha u geystay oo katirsan ilaalada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa haatan ku xiran xarunta demi baarista CID-da ee Muqdisho.

Saynab Xaabsey ayaa kamid ahayd mas'uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii sanad kahor ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir oo ay ku dhinteen mas'uuliyiin uu ku jiro duqii Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.