Hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

Kumaandooska DANAB ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ku beegsanayaan goobaha ay ka taliso Al-Shabaab ee gobollada Jubada Hoose iyo Shabeellooyinka.

Warar Keydmedia Online
Hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab oo howlgal lagu dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka uu Mareykanka tababaray ee DANAB ayaa maanta qaadey howlgal kale oo ay ku dileen hogaamiye katirsanaa Al-Shabaab, kaasoo u qaabilsanaa Kooxda qorsheynta weerarada argagaxiso.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa xaqijiyay in howlgalka uu ahaa duqeyn dhanka cirka ah, waxaana muuqata inuu ku lug leeyahay Mareykanka, maadaama aysan Militeriga Soomaaliya haysan diyaarado dagaal.

Lama oga wali halka howlgalka uu ka dhacay, balse waxaa la sheegay inuu gobolka Shabeellaah hoose meel kamid tahay tahay halkaasoo Al-Shabaab ku maleegaysay weerar lagu qaado Saldhig Ciidan.

Mareykanka waxuu ku leeyahay Balli-Doogle Saldhig military, oo ay ka duulaan diyaaradaha drones-ka duqeeya Al-Shabaab, iyadoo la rumeysan yahay in xaruntaas ay ku sugan yihiin tobaneeyo askari iyo xubno CIA-da kamid ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.