KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Tan iyo shalay waxaa dalka qeybo kamida ka dhacay weeraro, oo dhamaantooda geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isagu jira oo shacab, askar iyo mas'uuliyiin soo gaartay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Dad gaaraya 28 qof ayaa ku geeriyootay saddex weerar oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay Al-Shabaab ka fulisay Muqdisho, Goof-Gaduud iyo Beled-Xaawo, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 50 qof.
Qaraxii iyo dagaalkii Elite hotel waxaa lagu dilay 16 qof, oo 5 kamid ah ahaayeen dagaalayanada Al-Shabaab, waxaa xigay weerar saakay ka dhacay Goof-Gaduud, oo 35-KM u jirta Baydhabo, halkaasi oo 8 ay ku jiraan mas'uuliyiin maamul iyo kuwa amni ay ku dhinteen.
Lix ruux ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay Suuq mashquul badan oo Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Beled-Xaawo oo gobolka Gedo katirsan, kuna dhaw xuduuda dalka Kenya.
Keydmedia Online ayaa warbixin ka qortay falalkii amni darro ee ka dhacay Soomaaliya saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. [Halkan ka akhriso diiradda amniga].
Soomaaliya waxay gashay marxalad kala-guur ah hadda, waxaana dowladda Farmaajo lagu eedeeyay inay dayacday amniga, gaar ahaan Muqdisho oo ay maamusho, halkaasi oo ay ka dhacayaan qaraxyo joogto ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.