Internet black-out

Internetka oo ka maqan Muqdisho

Nairobi Qadka Internetka ayaa maanta ka go'an gebi ahaan Magaaladda Muqdisho iyo qaar kamid ah gobollada Dalka. 

Warar Keydmedia Online
Internetka oo ka maqan Muqdisho

NAIROBI, Kenya - Qadka Internetka ayaa Maanta ka go'an Magaaladda Muqdisho, qaar kamid ah Gobollada Hiiraan, Shabeelooyinka, gobolka Mudug iyo gobollada Jubbooyinka.

Weli lama huba sababta laakiin qudbadii Is-casilaada RW Kheyre kadib, waxaa lagu arkay magaalada Muqdisho ciidan halboolayaalka dariiqyadda muhimka u ah caasimada, sida uu Keydmedia Online u sheegay sarkaal ka tirsanaan jiray Sirdoonka Soomaaliya. 

Arintaan ayaa loo maleynayaa in ay shabahdo caburinta ka socota Dalka Itoobiya. 

Sidoo kale, howlihii ka socday Dekadda Muqdisho ayaa la sheegayaa in gabi ahaanba saakay hakad la geliyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.