Jubbaland oo askar looga dilay Qarax

Ugu yaraan saddex askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxan, oo lagula eegtay Ciidanka Maamulka Axmed Madoobe duleedka magaaladda xeebta leh ee Kismaayo.

Warar Keydmedia Online

KISMAAYO, Soomaaliya - Saraakiisha amniga Jubbaland ayaa sheegay in saddex askari oo Sarkaal uu ku jiro ay ku dhinteen qarax Miino oo lagula eegtay degaanka Janaay Cabdalla oo shalay Ciidamada Axmed Madoobe kala wareegeen Al-Shabaab.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen Ciidanka xili uu kasoo baxay tuulada, kuna sii jeeday magaaladda Kismaayo oo qiyaastii 60-KM isku jira. Waxaa jira dhaawacyo soo gaarey askar kale, balse tiradooda lama shaacin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.