Cabsida Kenya ee askarta Mareykanka ka baxaya Soomaaliya

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ka digay go'aanka Trump ee Ciidanka Mareykanka looga soo qaadayo dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Cabsida Kenya ee askarta Mareykanka ka baxaya Soomaaliya

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa soo foodsaartey walaac dhanka amniga, kadib markii Trump shaaciyay qorsho cusub oo Ciidanka Mareykanka looga soo qaadayo dalka Soomaaliya.

Kamau Macharia ayaa ugu baaqey dawladda Mareykanka inay ka laabato go'aankaas, oo ay ku tilmaantay mid halis gelinaya amniga Soomaaliya iyo midka gobolka Geeska Africa, oo Kooxda Al-Shabaab khatar ku hayso.

Xoghayaha ayaa xusay in Kenya ay muddooyinkii la soo dhaafay la kulantay dhaqaale xumo iyo hoos u dhac kadib markii weerarada Al-Shabaab ay xireen dalxiiskii dhaqaalaha ugu badan kasoo gali jirin, iyadoo ay joogsaden mashaariic ka socotay gobolka Xeenta Lamu.

Hadalka Macharia ayaa imanaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu Ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya.

Macharia wuxuu sheegay in Geeska Afrika u baahan yahay nabad waarta, barwaaqo iyo xasilooni, taasoo sare u daadaysa ganacsiga, isagoo ku baaqay in Mareykanka uu sii wado doorkiisa la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Kenya ayaa la kulantay weeraradii ugu cuslaa tan iyo markii Ciidankeeda soo galeen Soomaaliya 2011, kuwaasoo hadda qeyb ka ah AMISOM, kana howlgalaya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, oo Al-Shabaab kula dagaalamayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.