Kheyre oo ka hadlay Geerida Drs Xaawo Cabdi

Wuxuu xusay Kheyre in AUN Xaawo Cabdi ay kaalin kasoo qaadatey dib usoo kabashada Soomaaliya, iyadoo caawin jirtay hooyooyinka aan haysan dhaqaale ay Isbitaal ku tagaan.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi ka diray geerida Drs Xaawo Cabdi, oo ahayd qof ka dhex-muuqday bulshada, oo wax badana kasoo qabatay arrimaha Caafimaadka mudadii burburka lagu jiray.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ummadda Soomaaliyeed & qoyskii ay ka geeriyootay marxuumad Dr. Xaawa Cabdi. Waxaan ku xusuusan doonnaa kaalintii ay ka geysatay badbaadada ummaddeena, gaar ahaan kuwa nugul. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo," ayuu yiri Kheyre.

Mas'uuliyiin kale ayaa ka yacsiyadeeyay geerida Drs Xaawo Cabdi, waxaana kamid ah siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Drs Xaawo Cabdi oo saakay ku dhimatay Muqdisho kadib xanuun kusoo booday, ayaa waxaa xarumo Caafimaad oo kala duwan ku leedahay gudaha dalka,  oo uu kamid yahay degaanka iyada loogu magacdaray ee Xaawo Cabdi, duleedka Muqdisho, waxaana qaarkood ka howlgalla Carruur ay dhashay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.