Diiwaanka Qaswadeyaasha

Mareykanka oo Fahad Yaasin ku dari rabo ‘Sanctions list’

Waxaa soo ifbaxaya in hay'adaha amniga shaqsiyaad ka tirsan ay caqabad toos ah ku hayaan hanaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, kuwaa oo af-duub u heysta go'aamadda Golaha Shacabka, Madaxtooyadda iyo guud ahaan hay'addaha amniga. 

Warbixin Keydmedia Online
Mareykanka oo Fahad Yaasin ku dari rabo ‘Sanctions list’

NAIROBI, Keydmedia Online - Beryahan waxaa isisoo tarayay in beesha caalamka ay culeys badan kala kulmaysay xal u helida iyo isku soo dhawaanshaha kooxaha siyaasadda si loo meelmariyo hawlaha muhiimka u ah qabsoomid doorasho dadban oo dalka ka dhacda. Safaarada Mareykanka ayaa war adag ka soo saartay kadib kalsooni-kala-noqoshadii aan sharciga loo marin ee lagu riday RW hore Xasan Cali Kheyre.

Ila-wareedyo kala duwan oo ay KON ka heleyso qaar kamid ah safaaraddaha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah oo fadhigoodu yahay Nairobi ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasin Xaaji Daahir, oo aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo la filayo in bilaha soo socda la galin doono diiwaanka qaswadeyaasha Soomaaliya "sanctions list". Waxaa lagu eedeynayaa in uu yahay ninka ka dambeeya qulqulatooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka aloosan Soomaaliya. 

Dawladda Mareykanka ma ahan markii ugu horeysay ay dad noocan oo kale ah ay galiso diiwaanka qaswadeyaasha. Hore waxaa diiwaankan loo galiyay shirkado ganacsi iyo shaqsiyaad ka tirsan kooxaha argagixisada ee ka dagaalama Soomaaliya. 

Arrintan waxay aad usoo shaac baxday kadib markii Xukuumadda Farmaajo ay ku dhaqaaqday tilaabo aan laga fileyn oo aheyd in maalintii Sabtida xilka laga qaado RW Xasan Cali Kheyre, kaas oo Farmaajo u arkay waayihii dambe mid aan la dhacsaneyn musharaxnimadiisa madaxweyne ee dhammaadka sanadkan. 

Kheyre iyo Farmaajo ayaa kala aaminsanaa aragtiyo kala duwan oo ku aaddan sida dalka looga saari karo marxaladda kala guurka ah. Farmaajo, inkasta oo uusan sheegin, ayay sheegayaan dadka siyaasadda Soomaaliya u kuurgala in uu maagan yahay in mudo-kororsi sida ay Golaha Shacabka ka sheegtay Xaliimo Ismaaciil, gudoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka. Halka Kheyre uu si cad uga sheegay in doorashadu ay ku dhici doonto xiligii loo asteeyay, oo aysan jiri doonin mudo-kororsi xilleed. 

Josep Borrell oo ah madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay go'aankii lagu riday RW hore, kuna sheegay in ay aheyd "ixtiraam darro iyo ku tumasho dastuurka dalka, oo beesha caalamku ay muddo badan ka shaqeynaysay maalgalinta sareynta sharciga." 

Baarlamaanka ayaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ayaa kalsoonidii kala laabtay Xukuumadda RW hore Xasan Cali Kheyre. Kulankii maalintaas ka dhacay xarunta baarlamaanka waxaa isugu yimid xildhibaano lasoo abaabulay habeenkii lasoo dhaafay, ajandaha laga doodayeyna kuma aysan jirin wax ku saabsan ra’iisul wasaaraha balse wax waliba waxay isku bedeleen si kedis ah.

Keydmedia Online ayaa horaantii bishan usoo qortay xogta la xiriirta in Kheyre xilka laga qaadayo, kadibna uu Farmaajo kula gor-gortami doono Mucaaradka, oo uu doonayo inay aqbalaan mudo korarsigiisa [Halkan ka akhri warbixnta].

Wixii soo kordha arrintan, kala soco KON.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.