Gudiga la-dagallanka Musuq-Maasuqa oo la sameeyay

Ansixinta gudiga ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan saraakiil badan oo dowladda katirsan loo taxaabay xabsiga kadib markii lagu helay musuq-maasuq iyo boobka hantida dadweynaha, waxaana wali jiro xubno sare oo sharciga ka baqayo, oo musuq-maasuq samaynaya.

Warar Keydmedia Online
Gudiga la-dagallanka Musuq-Maasuqa oo la sameeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiirrada Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan Muqdisho ku yeesheen ku meel mariyeen 9 xubnood oo Wasaaradda Caddaaladdu usoo xushay inay kamid noqdaan guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa.

Qodobka 111aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya dhisidda 9ka xubnood ee guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa oo laf-dhabar u ah howlaha baarista musuq-maasuqa lagu soo oogayo qeybaha dowladda.

Xubnaha guddiga: Maxamed Cabdikariim Ibraahim, Avv. Cabdiweli Axmed Cumar, Dr. Xasan Khaliif Xasan, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, Avv. Saciido Maxamed Xaashi, Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan, Cabdullaahi Sh. Abuukar, Khadar Axmed Diiriye iyo Saamiya Siciid Xuseen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 21/09/2019 waxuu saxiixay sharicga dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed, kabib markii baarlmanaanka federaalku meel mariyay, waxaana xubnaha guddiga madaxa bannaan ee maanta glohu meel mariyay loo gudbinayaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Ansixinta gudiga ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan saraakiil badan oo DF katirsan loo taxaabay xabsiga kadib markii lagu helay musuq-maasuq iyo boobka hantida dadweynaha, waxaana jira xubno sare oo sharciga ka baqayo oo musuq-maasuq samaynaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.