KON oo Xog Cusub ka heshay sida loo qorsheysay Weerarkii Elite hotel

Gaarigiisa oo aan lahayn wax Taargo ayaa ka yimid dhinaca degmada Kaaraan, wuxuuna soo maray wadooyin kala duwan, oo ku yaalla Cabdicasiis, iyadoo koonatarool kasta uga gudbayay ID Card-ka NISA.

Warar Keydmedia Online
KON oo Xog Cusub ka heshay sida loo qorsheysay Weerarkii Elite hotel

MUQDISHO, Soomaaliya – Keydmedia Online ayaa heshay xogtii labaada oo ku saabsan sida loo qorsheeyay weerarkii Elite hotel 16-kii bishan August, kaasoo la ogaadey in Al-Shabab loo fududeeyay. [Halkan ka akhri Xogtii hore]

Weerarka wuxuu ku billowday qarax gaari oo albaabka loogu furay dableyda gudaha u gashay hotel-ka xili galab ah, oo ay ku sugnaayeen Xildhibaanno mucaaradka Farmaajo ah oo bartilmaameedka ahaa.

Ninka waday gaariga qaraxa wuxuu soo maray illaa 4 checkpoint oo Booliska ku sugnaayeen, isagoo isticmaalay ID card-ka NISA taasoo u sahashay inaan laga shakin, oo la gudbiyo iyadoo aan la baarin.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdinuur, oo dadka qaar ugu yeeri jireen Mukhtaar ayaa Elite hotel si joogto ah u tagayay mudo 12 maalmood kahor weerarka, si uu dadka isku baro, una qorsheeyo waqtiga ugu haboon fulinta howlgalkiisa.

Gaarigiisa oo aan lahayn wax Taargo ayaa ka yimid dhinaca degmada Kaaraan, wuxuuna soo maray wadooyin kala duwan, oo ku yaalla Cabdicasiis, iyadoo koonatarool kasta uga gudbayay ID Card-ka NISA.

Xiliga gabal dhac ah ayuu soo gaarey hotel-ka, oo agtiisa ugu diyaarsanaayeen shan nin oo hubeysan, oo sugayay qaraxiisa uu ugu jebiyay derbiga dheer, iyagoo markii jawhareerka billowdayna gudaha u galay.

Cabdinuur/Mukhtaar wuxuu ahaa sahmiyaha weerarkii, waxaa lagu arkay muuqaalkiisa kaamirooyinka CCTV ee ku xiran hotel-ka, oo ay duubeen xiligii uu sahminta u tagi jiray, waxaan loo gudbiyay booliska.

Su’aallo baa laga keenay ku kalsoonaanta hay’adaha amniga dowladda, gaar ahaan booliska iyo Nabad Sugida oo ay ka buuxaan xubno Al-Shabaab ah [Double agents], kuwaasoo fududeeya qaraxyada Muqdisho.

Taliyaha Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijar ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyihii booliska qeybta degmada C/casiis Axmed Baashane iyo askartii joogtay baraha Koonatarool ee gaariga qaraxa laga soo gudbiyay.

Waxaa ku socdo Axmed Baashane iyo Saraakiisha kale baaritaan ku aadan kaalintooda fududeynta weerarka, kaasoo sida la ogyahay in Al-Shabaab ku adkaan lahayn fulintiisa, iyadoo caawin gudaha hay’adaha amniga DF haysan.

Ugu yaraan 16 qof, oo isagu jiray shantii dableyda ahayd, labo Sarkaal oo Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga ka kala tirsanaa iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyoodey weerarka gudaha ka dhacay, kaasoo Ciidanka ku qaadatey 4 saacadood inay kusoo afjaraan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.