Mareykanka oo Askar looga dhaawacay Qarax

Saddexda Askari ayaa qeyb ka ahayd Ciidamo Mareykanka ah oo Kolonyo ay wateen qarax miino lagula eegtay duleedka degaanka Daarusalaam, kadibna ay dhacday duqeyn dhanka cirka ah.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo Askar looga dhaawacay Qarax

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiil katirsan Militeriga Soomaaliye ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in saddex Askari oo u dhashay Mareykanka ay ku dhaawacmeen qarax lagula eegtay nawaaxiga Daarusalaam.

Waxay sheegeen in qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ay burburisay gaari military, oo ku dhawaad 7 askari ay saarnaayeen, kuwaasoo saddex kamid ah ay dhaawacmeen, waxaana loola cararay Isbitaal Ciidan oo ku leeyahay Militeriga Mareykanka Saldhigga Balli-doogle.

Qaraxa waxa uu dhacay 24-kii bishaan, labo maalmood kahor waxaana Mareykanka uu fuliyay isla maalinkaas duqeyn cirka ah oo ku difaacayay Ciidankiisa la weeraray, kuwaasoo khatar ugu jiray inay Al-Shabaab disho.

Maku sheegin AFRICOM dhaawaca askarta qoraalka ay Maanta soo saartey ee ku saabsan inay 6 kamid ah Al-Shabaab ku dishay, 3 kalena ku dhaawacday duqeynta Daarusalaam.

May, 2017, Al-Shabaab ayaa dagaal ay Ciidanka Mareykanka kula gashay Daarusalaam ku dishay Askari katirsanaa NAVY SEAL oo lagu magacaabi jiray Kyle Milliken, oo 38 jir ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.