Mareykanka oo beegsaday goob Al-Shabaab qarax ku diyaarinaysay

Al-Shabaab iyo Daacish ayuu Mareykanka dagaal kula jiraa, waxuuna saldhigyo qarsoodi ah Ciidamadiisa ku leeyihiin qeybo kamid ah dalka, sida Balli-Doogle [Sh/Hoose] oo ay ka duulaan diyaaradaha drones-ka.

Warar Keydmedia Online
Mareykanka oo beegsaday goob Al-Shabaab qarax ku diyaarinaysay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubin katirsanayd Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo Mareykanka shalay, August 20 ka fuliyay degmada Kurtun-waarey, ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay in bartilaameedka uu ahaa goob lagu diyaarinayay qaraxa oo degmada la duqeeyay katirsan, waxaana sidoo kale lagu burburiyay mooto iyo qalab kale.

Inta badan AFRICOM ayaa sheegta in howlgalkeeda uusan shacabka khasaaro kasoo gaarin, laakiin hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa baaritaan ku ogaadey inay jiraan waxyeello rayidka kala kulmaan duqeymaha Soomaaliya.

Al-Shabaab iyo Daacish ayuu Mareykanka dagaal kula jiraa, waxuuna saldhigyo qarsoodi ah Ciidamadiisa ku leeyihiin qeybo kamid ah dalka, sida Balli-Doogle [Sh/Hoose] oo ay ka duulaan diyaaradaha drones-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.