Muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin

Madasha waxay sheegtay inay muhiim u aragto in laga fogaado xilligaan muddo xileedka madaxda DF uu gabaabsiga yahay wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala fogaansho siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
Muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin

MUQDISHO, Soomaaliya -  Kulanka hogaanka iyo xubnaha Madasha Xisbiyadda Qaran ku yeesheen aaladda ZOOM-ka, Khamiistii shalay ayaa lagu gorfeeyay arrimo muhiim ah, oo khuseeya masiirka dalka Soomaaliya, oo hadda ku jira dib usoo kabasho.

Qoraal Madasha soo saartey ayaa xusay in kulanka todobaad laha aad loo falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin, loo dhan yahay geeddi socodkeeda, ayna qayb ka yihiin daneeyeyaasha siyaasadda.

"Madasha waxay muhiim u aragtaa in laga fogaado xilligaan muddo xileedka madaxda DF uu gabaabsiga yahay wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala fogaansho siyaasadeed. Shirku wuxuu bogaadiyay dadaalka ay Madaxda Madashu isugu soo dhaweynayso Guddoonka labada aqal ee BFS," ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad kala guur ah, oo kusoo aaday khilaaf siyaasadeed oo mudo soo socday, kaasoo u dhaxeeya Farmaajo iyo Maamullada, oo heshiis ka gaari waayay is-maandhaafkooda salka ku haya awoodda iyo khayraadka sidii loo wadaagi lahaa.

Madasha Xisbiyada Qaran, oo ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaahab-dhaqanka Farmaajo ku tilmaantay mid aan la jaan-qaadi karin xaaladda dalka, maadaama uu doonayo inuu kursiga kusii fadhiyo wax ka badan mudo-xileedkiisa sharciga.

Muhiimadda ay leedahay in doorashadda dhacdo waqtigeeda ayaa ah in dalka ka badbaadayo fowdo iyo qalalaase cusub, oo lugaha la galo taasoo sababi karta dagaal inuu dhaco, maadaama mucaaradka qaar ku hanjabeen in derbiga la isku geyn doono, hadii la isku dayo in xukunka la dheeraysto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.