KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa lagu wadey Maanta in Shirka lasoo gaba-gabeeyo, islamarkaana laga soo saaro war-murtiyeed, balse dib loo dhigay.
Qaabka loo magacaabey gudiyadda doorashooyinka iyo diyaar-garow la'aanta ayaa laga digay inuu Farmaajo qabto doorasho degdeg ah kadibna ku shubto codadka.
Warqadda ayaa lasoo dhigay baraha bulshadda, iyadoo warbaahinta qaar ay saakay soo qoreen in Musharixiin 12 gaaraya ay qaadaceen doorashadda 2020-21.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah mucaaradka Farmaajo, isagoo ku jira Madasha Xisbiyada Qaran hogaankeeda sare, waxaana la sheegay inuu sanadkan musharax yahay.
"Farmaajo wuxuu sameynayo waxba kama duwan Nin Xaaskii ay kala tageen oo wali Caruur ka dhalaya, Xukuumadda maanta jirtaa waa saas, sharci kuma dhisna," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madasha xisbiyada Qaran ayaa sheegtay in aan la aqbalin karin 53 maalmood uu dalku ahaado Ra’iisul Wasaare la’aan, islamarkaana shaqada hadda socotaa ay u muuqato kaligii talisnimo.
Kulanka oo Saxaafadda ay dibad-joog ka ahayd ayaa ka dhacay xarunta AMISOM ee Xalane, wuxuuna kusoo beegmayaa xili xasaasi ah oo dalka khilaaf ka jiro, islamarkaana lagu muransan yahay doorashadda.
War kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay xalinta tabashooyinka ay qabaan maamulada Jubaland iyo Puntland, oo qaadacay natiijada iyo ka qeybgalka Dhuusamareeb 3.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.
Maareeye ayaa hadalkan sheegay kadib markii Dowladda cadaadis kala kulantay Beesha Caalamka, oo ku aadan ka qeybgal la'aanta Xisbiyada ee Wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.
Qodobada heshiiska waxaa ugu muhiisan in Doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, islamarkaana la sameeyo gudi isku dhaf ah oo kasoo shaqeeyo nooca ay noqon karto.
Madasha waxay sheegtay inay muhiim u aragto in laga fogaado xilligaan muddo xileedka madaxda DF uu gabaabsiga yahay wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala fogaansho siyaasadeed.