MUQDISHO: Taliye Ciidan oo dil ka bad-baaday

Farxaan Qoroolle oo madax u ah Ciidanka Turkiga uu tababaray ee Haramcad ayaa lagu weeraray wadada Via Liberia ee degmada Waaberi, waxaana goobta ka dhacay iska hor-imaad daqiiqado socday.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Goobjooge ayaa sheegay in isku dhac uu ku dhexmaray degmada Waaberi aagga Via Liberia ciidan uu watay taliyaha booliska sida gaarka u tababaran, ee Haramcad Faarax Qaroolle iyo dabley hubeysan.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo midi askari yahay ayaa ku dhaawacantay dhacdadan, oo la sheegay inay ahayd isku day dil oo la doonayay in lagu qaarijiyay Faarax Qaroolle, oo horey Al-Shabaab uga tirsanaan jiray, balse hadda hogaamiye Ciidanka Haramcad.

Warar ayaa sheegaya in Taliyaha ay gurigiisa ku weerareen Ciidan katirsan Asluubta.

Dhanka kale, Isgooyska Dabka ayaa caawa fiidkii lasoo dhigay Gaari noociisa yahay Fielder oo looga shakiyay in lagu soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana la wareegay Ciidanka amniga DF.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.