Muuse Biixi oo billaabey Is-buun-buunin iyo Warar Been ah

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay dowladda Mareykanka siinayso goobo saldhigyo militeri ka sameysto oo ku yaalla magaaladda Berbera, si ay u hesho taageeradda Washington ee dhinaca aqoonsiga ay 30-ka raadinaysay.

Warar Keydmedia Online
Muuse Biixi oo billaabey Is-buun-buunin iyo Warar Been ah

HARGEYSA, Soomaaliya - Qoraal lagu baahiyay barta Facebook-ga ee Telefeshinka ku hadla afka maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Guddiyada labada Aqalka ee Congress-ka Maraykanka ay warbixintooda sanadlaha ah 2023 ay kusoo dareen Iskaashi dhinaca difaaca oo lala yeesho Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Mareykanka iyo hay’adda USAID laga dalbaday inay Congress-ka u soo gudbiyaan warbixin  qorshaha lagu dardargelinayo wada shaqaynta diblomaasiyadeed iyo amni ee Maamulka Muuse Biixi.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay dowladda Mareykanka siinayso goobo saldhigyo militeri ka sameysto oo ku yaalla magaaladda Berbera, si ay u hesho taageeradda Washington ee dhinaca aqoonsiga ay 30-ka raadinaysay.

Hogaamiyaha mucaaradka Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Congress-ka Mareykanka uu meel-mariyay qaraar u adeegaya danaha Maamulka gooni u goosadka, isagoo eedeymo u jeediyay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ma jiro war rasmi ah oo dowladda Mareykanka ama Congress-ka kasoo baxay oo xoojinaya qoraalka wrabaahinta Somaliland faafisay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bishii March ee sanadkan safar ku tagey Mareykanka halkaasoo uu kula soo kulmay xubno katirsan Congress-ka iyo Saraakiil kale oo kamid ah maamulka Biden.

Muuse Biixi ayaa hadda talada Somaliland xoog kula wareegay, kadib markii uu diiday inuu doorasho qabto Nov 13, waxaana uu sameystay mudo-kordhin labo sano ah, oo Mucaaradka ay diidan yihiin.

UK ayaa horey u sheegtay inay aqoonsan tahay hal dal oo Soomaaliya la yiraahdo, wixii intaas ka baxsan ay Soomaalida iyaga u taallo go'aan inay ka gaaraan aayahooda midnimada ama kala-tagga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.