Nin qaraxyada ku dhejin jiray baabuurta Muqdisho oo la xukumay

Mustaf Maxamed waxuu ahaa xubin fir-forcoon oo gudaha Al-Shabaab laga yaqaaney, isagoo u qaabilsanaa inuu qaraxyada ku dhejiyo baabuurta Saraakiisha Dowladda, Dadka Caanka ah iyo Suxufiyiinta.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun xabsi daa'in ah ku riday Mustaf Maxamed [Abu Cabdalla], kadib markii lagu helay dembi ah inuu 8 baabuur uu ku dhejiyay qaraxyo, kuwaasoo ku qarxay gudaha Muqdisho, balse aan khasaaro nafeed geysan.

Ninkan ayaa horey usoo qaatey 5 sano oo xabsi ah, waxaana lasii daayay sanadkii 2018, balse dib ugu laabtay Al-Shabaab markii uu xoriyadiisa dib u helay, waxaana markale lasoo qabtay sanadkii tagey 2019, kadib markii taleefoon numbarkiisa laga helay miino wadada lagu aasay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.