Exclusive: Internet black-out

NISA iyo Farmaajo oo adeega Internetka Muqdisho xiray

Adeega Internetka ayaa wali ka go'an Magaalada Muqdisho iyo degeenno kale oo dalka ka mid ah. 

Warar Keydmedia Online
NISA iyo Farmaajo oo adeega Internetka Muqdisho xiray

Waxaa maanta oo Axad ah go’an Internetka iyo qaar kamid ah isgaarsiinta Caasimada dalka  iyo qaar kamid ah gobolada dalka sida Gobolka Hiiraan, Shabeelooyinka, Bay, Bakool iyo Jubbooyinka

Illo lagu kalsoonyahay oo kamid ah Sirdoonka Soomaaliya ayaa Keydmedia Online u sheegay in arintaan ay imaatay kadib khalkhalkii siyaasaddeed ee xalay ka dhacay Caasimadda. 

Sarkaal ay Keydmedia Online la hadashay ayaa arintaan ku tilmaamay mid lamid ah caburinta ka socota Dalka Itoobiya. 

Warkaan ayaa sidoo kale xaqiijinaysa Hey'adda Netblocks.org oo ah Hey'ad madaxbanaan oo baaritaanno ku sameysa, lana socota dhaq-dhaqaaqa Internetka adduunka. Hey'addaan ayaa horey warbixinno kala duwan kasoo saartay caburinta addeegga Internetka iyo Xuquuqul qowlka ee ka socota Itoobiya. 

Netblocks ayaa boggeeda kusoo qortay in 'Shutdownka' addeega Internetka ee Muqdisho uusan aheyn cilad farsamo (technical) ama cyber-attack. 

"The ongoing incident has high impact consistent with an intentional blackout affecting cellular and fixed-line networks, and is not attributed to any international issue, technical outage or cyber-attack. A preliminary analysis of sub-sea cable networks shows no known accidental cable cuts that could cause the disruption, which affects most, but not all, of the country’s leading business and residential service providers."

Isha Keydmedia Online ay ka heshay macluumaadkaan ayaa sidoo kale sheegay in qada Internetka ay si fiican ugu shaqeyneyso Xarunta NISA. 

Waa marxalad argagaxin iyo xasilooni darro ah oo uu Farmaajo dalka kusoo rogay. 

Hormuud ayaa wali ka hadlin wixii sababay arintaan, waxeyna sheegeen in ay baaritaan ku wadaan. 

Wixii kusoo kordha arintaan kala soco bogga KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.