NISA oo fududeysay in Al-Shabaab sii dayso Dhaqaatiir Cuba u dhashay

Fahad Yaasiin ayaa xiriir dhaw kala dhaxeeya Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay in Saraakiil katirsan Kooxdan uu u fudueeyay inay kamid noqdaay NISA.

Warar Keydmedia Online
NISA oo fududeysay in Al-Shabaab sii dayso Dhaqaatiir Cuba u dhashay

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda xagjirka ah ee xiriirka la leh al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sii daysay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga soo afduubtay Kenya, islamarkaana laguna haystay sanad iyo bar dalka Soomaaliya, sida ay Saraakiishu sheegeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press in dhakhaatiirtan la sii daayay horaantii Isbuucan kadib wada-xaajood bilo qaatay oo ay la galeen Al-Shabaab.

Wuu diiday Sarkaalka inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah, maadaam aan loo ogolayn inuu arintan kala hadlo Warbaahinta.

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa u sheegay AP in Sirdoonka Soomaaliya, oo ku shaqeynaya codsi ka yimid dawladda Cuba, ay kala xaajoodeen siideynta dhaqaatiirta kadib markii ay heleen muuqaal muujinaya inay nool yihiin dhaqaatiirta oo gacanta Al-Shabaab ku jiraan.

Bruno Rodríguez, Wasiirka Arrimaha dibedda Cuba, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku xaqiijiyay sii deyntooda, wuxuuna uga mahadceliyay dawladda Soomaaliya kaalinteeda. Wuxuu sheegay inuu la hadlay Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Si rasmi ah looma oga halka ay dhakhaatiirtu ku sugnaayeen. Rag katirsan Al-Shabaab ayaa dhakhaatiirta ka qafaashay magaaladda Mandheera ee Kenya xilli ay u socdeen shaqo bishii April 2019, iyagoo dilay mid kamid ah ilaaladooda booliska. Dhakhtarka lafaha iyo dhaqtarka kale ayaa la geeyay Kenya 2018.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.