Qarax culus oo ka dhacay Beledweyne

Kooxda Al-Shabaab oo maamuli jirtay dhul baaxad leh oo koonfurta kamid ah oo ay ku jirto caasimada Muqdisho ayaa magaalooyin badan lumiyay kadib howlgal lagu qaadey degaanadeeda.

Warar Keydmedia Online

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof oo haweenay ahayd ayaa ku dhintey, seddex kalena dhaawacyo ayaa soo gaarey kadib markii bam gacmeed lagu tuuray maqaaxi ku taalla magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, qof aan haybtiisa la garan ayaa weeraray maqaayada ku taalla Suuqa Xoolaha ee magaalada Beledweyne. Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin waxay leedahay astaamaha Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.