Qatar oo cambaareysay Qaraxii Muqdisho

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii Is-miidaaminta ee Maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online

DOHA - Dowladda Qatar oo lagu eedeeyo inay taageerto Al-Shabaab, ayaa cambaareysay Qaraxii lala beegsaday bar koontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada amniga caasimadda Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa ayaa sheegtay in Doha ay kasoo horjeedo falalka argagaxisadda, islamarkaana ay tacsi u dirayso qoysaska askarta dhimatay, dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Kuwa dhaawacmay ayaa loo rareejay Caafimaad deg deg ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.